Diyaaradaha Militeriga Kenya oo duqeeyay Xoolo dhaqato

Dadka ku nool degaanada la duqeeyay ayaa sheegay in xoolo badan iyo shacab ay waxyeello kasoo gaartey duqeynta.

Warar Keydmedia Online
Diyaaradaha Militeriga Kenya oo duqeeyay Xoolo dhaqato

GARBAHAAREY, Soomaaliya - Diyaaradaha Militeriga Kenya ayaa duqeyn cirka ah ka fuliyay degaanno ay dad Xoolo dhaqato ah degan yihiin, oo ku yaalla miyiga gobolka Gedo.

Saraakiil laamaha amniga gobolka katirsan, oo la hadlay Keydmedia Online ayaa sheegay in saacadahii lasoo dhaafay ay duqeynta ka dhacday degaannada Xiiso-uguur iyo Garsaal.

Illaa 7 gantaal ayay diyaaradaha Ciidamada Kenya ku garaaceen tuulooyinkan, oo ay uga shakyeen inay Al-Shabaab ku sugan tahay, sida dadka degaanka ay sheegeen.

Khasaaro dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay weerarka, intastoo illaa hadda si rasmi ah loo sheegi karin tirada inta ay la egtahay.

Ciidanka Kenya ayaa tan iyo markii dalka kusoo duuleen October 2011, waxay xasuuqeen dad badan oo shacab ah, oo ay ku dileen duqeymaha diyaaradeed ee aan loo meel-dayin, iyadoo aan jirin cid kula xisaabtanta.

Waxay ka kooban yihiin 3,500 illaa 4,000 oo askari, kuwaasoo ku sugan Jubbada Hoose iyo Gedo, waxayna ka sameysteen Soomaaliya aag laga difaaco amniga Kenya, iyagoo sidoo kale siinaya Axmed Madoobe taageero Ciidan.

Markii ay dalka soo galayeen 10 sano kahor ujeedkoodu wuxuu ahaa inay kahor tagaan weerarada iyo afduubka Al-Shabaab ka geysanaysay gobolka Waqooyi Bari, laakiin sanad kadib markii uu dhamaadey howlgalkoodii Linda Nchi waxay 2012 ku biireen AMISOM.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.