Doolow iyo Maxkamad wadajir ah

Degmada Doolow oo juquraafi ahaan dhacda Xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa Maalinimadii Shalay aheyd waxaa looga dhawaaqay Maxkamad wadajir ah oo ay wada maamulayaan Ahlu-suna iyo Dowlada.
Warar Keydmedia Online

 

Degmada Doolow oo juquraafi ahaan dhacda Xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa Maalinimadii Shalay aheyd waxaa looga dhawaaqay Maxkamad wadajir ah oo ay wada maamulayaan Ahlu-suna iyo Dowlada.

Aasaaska Maxkamadan ayaa waxa uu yimid kadib markii ay labada dhan isla garteen in si wadar ah ay halkaasi Abaabul uga wada sameeyeen isla markaana ay beegsadaan kooxaha labada dhanba ka soo horjeeda.

Gudoomiyaha Degmadaasi ee Maamulka Dowlada ayaa sheegay in Maxkamada tani ay noqon doonto mid fulisa ku dhaqanka Shareecda islaamka isla markaana lagu Maxkamadeyn doono kooxaha diidan Afkaarta ay wadaan iyo xitaa Dadka danbiyada gala ee iyaga ka tirsan.

Dhanka kale waxaa halkaasi looga dhawaaqay Afhayeen ay yeelaneyso degmadaasi kaa oo dhaqdhaqaaqa dowlada iyo ahlu-suna saxaafada uga warbixin doona waxaana afhayeenkaasi loo doortay Shariif C/waaxid.

Degmadan ayaa dhawaantanba waxaa ka socday Abaabul ciidan oo ay ku doonayaan Dowlada iyo Ahlu-suna oo is biirsanaya in ay kula wareegaan deegaano hor leh oo ka tirsan degmooyinka ay xadka wadaagaan.

 

www.keydmedia.net

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.