Senataro lagu dooranayo Kismaayo

Baarlamaanka Jubbaland ayaa dooranaya Xubnaha Aqalka Sare ee uu Axmed Madoobe liiskooda usoo gudbiyay.

Warar Keydmedia Online
Senataro lagu dooranayo Kismaayo

KISMAAYO, Soomaaliya - Doorasho ayaa la filayaa inay saacadaha soo socda ay ka billaabato magaaladda Kismaayo, ee xarunta KMG Jubbaland.

Waxaa la dooranayaa afar Musharax, oo saddex kamid ah horey ugu fadhiyay kuraasta, kuwaasoo ay kamid yihiin Fartaag iyo Iftiin Baasto, iyadoo codbixinta ay sameynayaan Xildhibaanada Baarlamaanka Jubbaland.

Kahor foorashadda, waxay Musharixiinta oo hal haweenay ah ku jirto jeedinayaan Khudbado ay uga hadlayaan taariikh nololeedkooda iyo wax-qabadkooda, iyadoo kadib la gudi galayo cod u qaadista oo billaabanaysa 9:00 AM, sida jadwalka ku qoran.

Musharax kasta oo Aqalka Sare u tartamaya wuxuu isku diiwaan-gelinayaa $20,000, shalay ayayna Kismaayo ka billaabatay, waxaana jira walaac xoog leh oo ku saabsan in doorashaddan ay dhacaan wax isdaba-marin, ku shubasho iyo cod iibsasho.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.