Doorashadda Soomaaliya durba qeylo ka timid

Dadka kusoo baxay kuraasta waxay ahaayeen dhamaantooda kuwa si musuq-maasuq iyo boob ku guuleystay, oo aan galin tartan loo siman yahay, oo daah-furan.

Warar Keydmedia Online
Doorashadda Soomaaliya durba qeylo ka timid

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa sii xoogeysanaysa qaylo-dhaanta dal iyo dibadba ka imaanaysa ee ku saabsan boobka doorashadda Soomaaliya, oo sanaddan lagu arkay dhaqan-cusub.

Iyadoo markii horeba jireen caqabado dhowr ah oo ku hor-gudban, ayaa hadda loogu sii darey boobka kuraasta Baarlamaanka [329], oo madaxda DF iyo Maamulada kala qeybsadeen.

Dadka kusoo baxay kuraasta illaa hadda waxay yihiin dhamaantooda kuwa si musuq-maasuq iyo boob ku guuleystay, oo aan galin tartan loo siman yahay musharaxiinta, oo daah-furan.

Saddex meelood oo kaliya - Muqdisho, Dhuusamareeb & Baydhabo ayay ka dhacday doorashadda oo ahayd in 11 goobood lagu qabto, waxaana wali laga billaabin Hirshabeelle, Jubbaland iyo Puntland.

Musharixiinta ayaa qaadacay doorashadda, iyadoo Beesha Caalamka joojisay dhaqaalihii ay ugu tala-galeen, kadib markii hanaankii lagu heshiiyay laga leexiyay wadada saxda ahayd.

Madaxda Maamulada iyo Villa Somalia ayaa kuraasta kala qeybsadey, iyadoo qof aan iyaga ka soconna kuma soo baxaya, xitaa waxaa mucaaradka loo diiday inay isku soo sharaxaan.

"Waxa dalka ka socda doorasho ma ahanee, ee magac kale haloo raadiyo,' ayuu yiri CC Warsame, oo kamid ah Midowga Mushariinta Mucaaradka ee ka shiraya dhismaha Golle Qaran.

Farmaajo wuxuu saameyn ku leeyahay kuraasta lagu dooranayo Muqdisho ee Somaliland, HirShabeelle, Galmudug iyo Koonfur Galbeed, oo madax maamusha isaga meesha geystay.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.