Doorasho Deni afduubtey oo ka dhacday Boosaaso

Lix iyo toban kursi ayaa Maanta lagu doortey, kuwaasoo uu Deni soo xushay, iyadoo laga reebay tartanka Musharixiin dhowr ah, oo uu kamid yahay Wasiirka qorsheynta Jamaal Maxamed Xasan.

Warar Keydmedia Online
Doorasho Deni afduubtey oo ka dhacday Boosaaso

BOOSAASO, Soomaaliya - Waxaa Maanta Boosaaso daqiiqado yar gudahooda lagu soo gabagabeeyay doorashadda 16 kursi, oo kamid ah Gollaha Shacabka, kuwaasoo Puntland matali doona.

Deni oo ah Musharax Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa jeebka ku ritay dhamaan Xildhibaanadii Puntland ee BFS, kuwaasoo uu ka dhigtay Wasiiradisa iyo dhalinyaro uu daacadnimo ku xushay.

Waxuu Deni ka reebay tartanka dhamaan shaqsiyaadkii mucaaradka ku ahaa ee uu is lahaa Musharixiin kale ayay u codeynayaan, kuwaasoo uu kamid yahay Wasiir Jamaal, oo Farmaajo ku dhaw.

Xildhibaanada Maanta lagu doortay Boosaaso, oo dhamaan wajiyo cusub ah, ayaa waxaa ku jira taliyihii hore ee Booliska Soomaaliya Jen Bashiir Ameeriko, oo la-taliye u ahaa Madaxweyne Deni.

Xildhibaanada soo baxay waxay kala yihiin:

  1. Maxamuud Axmed Aaden Geesood
  2. Cabdicasiis Maxamed Maxamuud (Qambi).
  3. Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko
  4. Marwo Cabdi Bashiir.
  5. Muuse Axmed Ismaciil
  6. Cali Mahdi Maxamed Qalato, oo Wasiir Jamaal bedelay
  7. Maxamed Bashiir Cali
  8. Cali Xaaji Daahir Saleebaan
  9. Faysal Axmed Maxamuud
  10. Sadaam Maxamuud Cabdi
  11. Saciid Cali Muuse
  12. Maxamed Aadan Diini
  13. Caynaanshe Yuusuf Xuseen
  14. C/llaahi Faarax Mire
  15. Ismaaciil Shire Jaamac
  16. Maxamed Cabdi Maxamed

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.