Doorasho ka dhacday Kismaayo xili Jubaland caqabo wajahayso

Labada Xildhibaan ayaa waxay ahaayeen kuwa uu Axmed Madoobe soo xushay, oo hoolka banaankiisa lagu soo doortay, iyadoo ay jiraan tiro ka horeysay oo jidkooda soo marey.

Warar Keydmedia Online
Doorasho ka dhacday Kismaayo xili Jubaland caqabo wajahayso

MUQDISHO, Soomaaliya - Axmed Maxamuud Jaamac iyo Maxamed Nadiif ayaa Maanta lagu doortay Kismaayo, waxayna kamid noqonayaan Baarlamaanka 11aad ee dalka Soomaaliya.

Waxay ku kala guuleysteen labo kursi oo kamid ah Gollaha Shacabka, iyagoo aan la kulmay wax tartan ah, maadaama loo xiray boosaska, oo laga celiyay Musharixiintii kale ee la tartami lahaa.

Waxaa la sheegay in raggan ay doorashadoodu ahayd mid u dhacday si aan ku jirin daah-furnaan, iyadoo ergadu ahayd mid Kismaayo gudaheeda laga soo aruuriyay, oo lacago qaatey.

Labada Xildhibaan ayaa waxay ahaayeen kuwa uu Axmed Madoobe soo xushay, oo hoolka banaankiisa lagu soo doortay, iyadoo ay jiraan tiro ka horeysay oo jidkooda soo marey.

Jubbaland ayaa wajahaysa caqabad ku aadan dhameystirka doorashadda kuraasteeda Gollaha Shacabka, iyadoo arinta Garbahaarey ay tahay mid laga gudbi karin, oo keenaysa dib u dhacdyo kale.

Reer Gedo ayaa raba in kuraasta 16-ka lagu doorto Garbahaarey, halka Axmed Madoobe uu doonayo in la geeyo Kismaayo iyo Ceel-waaq, si uu u boobo, oo rag isaga uu wato ugu soo saaro.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.