Dooxa oo lagu soo gabagabeeyay shir ku saabsan Soomaaliya

DOOXA (KEYDMEDIA) Waxaa magaalada Dooxa ee Dalka Qadar lagu soo gaba gabeeyay shir ay soo qaban qaabiyeen culimada caalamka oo looga arinsanayay xaalada Soomaaliya.
Warar Keydmedia Online

Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galay xubna ka tirsan culimada Soomaaliya oo uu ka mid ahaa Shiikh Xasan Max’ed Ibraahim, waxaana shirka qodobadii leyskula soo qaaday ka mid ahaa sidii daryeel loogu fidin lahaa Dadka Soomaaliyeed ee abaaraha iyo dhibaatooyinka dagaalada laga dhaxlay.

Shiikha oo la hadlay idaacada VOA ayaa sheegay in Shir balaaran oo ay ka soo wada qeyb galaan dhamaan culimada Soomaaliyeed Soomaaliyeed kaasoo looga arinsanayo xaalada cakiran ee Dalka ee dhinacyada Siyaasada iyo bulshada.

www.keydmedia.net

 

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.