Dowlada Norway oo taageraysa Ahlu-suna

Dhuusamareeb(keydmedia) Wafdi ka socda dowlada Norway ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobalka Galguduud halkaas oo ay kula kulmaan madaxda Ahlu-suna.
Warar Keydmedia Online

Wafdiga ayaa kala hadlay Ahlu-suna imaansahaha dalalka caalamka goobaha ay Ahlu-suna iyo isticmaalka garoomada ku yaala Ahlu-suna waxaana ay dhinacyada isku waafaqeen arimihii ay ka wada hadleen marka laga reebo qodob ku aadan in ciidamada dowlada ay ka howl gali karaan deegaanada ay ahlu-suna ka taliso.

Max’ed Yuusuf xeefow gudoomiyaha gudiga fulinta ahlu-suna ayaa ka mid ahaa xubnihii ahlu-suna ee ka qeyb galay shirkaasi waxaana wafdigii ka socday dowlada Norway ay dib ugu laabteen magaalada Nairobi ee caasimada Kenya halkaa oo kolkii hore ay ka yimaadeen.

Wafdiga Norway ka yimid iyo saraakiisha Ahlu-suna midkoodna wax faahfaahin ah oo ku saabsan kulanka ma siin saxaafadda kolkii kualnkaasi uu soo idlaaday.

Www.keydmedia.net

 

 

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.