Dowlada oo ka fakareysa talaabada laga qaadi lahaa Saracen

MUQDISHO (KEYDMEDIA) Xogo laga helay dhanka dowlada KMG ah ayaa sheegaya in dowlada ay si weyn uga fakarsantahay talaabadii ay dowlada ka qaadi laheyd shirkada Saracen oo iminka ku sugan qeyba badan oo ka tirsan Dalka.
Warar Keydmedia Online

Wasiirka warfaafinta boostada iyo isgaarsiinta C/kariin Xasan Jaamac ayaa ku waramay in aan si dhab ah loo ogeyn cidda qandaraaska la saxiixatay hey’adahaas sidaas darteedna loo baahanyahay in la cadeeyo arinkaasi haddii kalana guud ahaan dalka laga saaro hey’adaasi.

Hadalkan ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa xili jimcihii ina dhaafay war ay daabacday wakaalada AP lagu sheegay in shirkada Black water ay kaalin ka qaadan doonta tababarada ciidamada dowlada gaar ahaan ciidamo la dagaalama burcad badeeda.

 www.keydmedia.net

 

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.