Dowlada oo xirtay Sawir qaade caan ah

Muqdisho(keydmedia) Warar xog-ogaal ah oo aynu helnay ayaa sheegaya in ciidamada dowlada gaar ahaan kuwa nabad sugida ay xabsiga u taxaabeen shalay Sawir qaade Max’ed Daahir(Sajuu) oo sanadkii 2009 ku guuleestay sawir qaadaha ugu wanaagsan uguna da’da yar Aduunka.
Warar Keydmedia Online

Max’ed oo iminka xaruntiisa shaqo ay tahay Kenya ayaa muqdisho dib ugu soo laabtay todobaadkii hore waxaana uu dagnaa Hotelka Shamow ee magaalada Muqdisho sida laga soo xigtay dad ka agdhaw Hotelka.

Xiliga la xirayay ayaa waxaa la socday nin lagu magacaabo C/fitaax Ajoos oo ahaa darawl iyo mid ka mid ah ilaalada Hotelka oo ammaanka wariyaha sugayay, waxaana ciidamada ay seddexdoodaba ula dhaqaaqeen xabsiga.

Wararku waxa ay sheegayaan in lagu hayo suxufigaasi iminka xabsi ku yaala agagaarka Madaxtooyada Soomaaliya.

www.keydmedia.net

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.