Canada oo cambaareysay dilka Weriye Afrika

War ka soo baxay guddi sare oo Canada u qaabilsan Soomaaliya iyo Kenya, ayaa lagu dhaleeceyey falkii arxan darada ahaa ee lagu dilay Agaasimihii Radio Muqdisho.

Warar Keydmedia Online
Canada oo cambaareysay dilka Weriye Afrika

MUQDISHO,Soomaaliya - Canada ayaa tilmaantay in ay tahay arrin xanuun badan, dilka loo gaystay Agaasime Cabdi Casiis Afrika, oo in muddo ah ka howl galayey Warbaahinta ku hadasha Afka dowladda.

Qoraalkan Canada ka soo baxay ayaa sidoo kale lagu faray dhinacyada siyaasada isku haya, in la joojiyo tacadiyada ka dhanka ah warfidiyeenada, kuwaasoo si joogta ah ula kulma hanjabaadyo iyo dilal bareer ah.

Hadalka Dowladda Canada ka soo yeeray ayaa ku soo aaddaya xilli aanu weli Farmaajo ka tacsiyeeynin geerida Cabdi Casiis Afrika oo ahaa Agaasimihii Raadiyaha dowladda.

Hase ahaatee warar soo baxayey, tan iyo shalay ayaa sheegayey in shirqoolka lagu dilay Cabdi Casiis Afrika ay wax ka ogaayeen madaxweyne Farmaajo iyo Fahad, kuwaasoo dagaal kula jiray Afrika, oo ay ku eedeynayeen in uu warbaahinta qaranka u afduubay Ra'iisul Wasaare Rooble.

Soomaaliya ayaa ka mid ah meelaha ay adag tahay in ay ku shaqeyaan weriyayaasha, waxana sanad kasta gudaha dalka lagu beegsadaa tiro warfidiyeeno ah, kuwaasoo aan laga taba tagin ciddii dilka u gaysatay.

KEYDMEDIA ONLINE 

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.