Dowladda Federaalka oo baaq u dirtay shacabka

Xuseen Macallin, wuxuu hore u soo noqday La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynihii 9-aad, Farmaajo, La-taliye Sare oo dhanka Amniga iyo La dagaallanka Al-Shabaab ah Madaxweynihii 8-aad Xasan Sheekh iyo Xubin ka tirsan Golaha Amniga Qaranka

Warar Keydmedia Online
Dowladda Federaalka oo baaq u dirtay shacabka

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shacabka Soomaaliyed ugu baaqday in muwaadin kasta qayb ka noqdo taariikhda qormeysa ee howl-gallada guud ahaan dalka looga xoreynayo Kooxda xiriirka la leh Al-qaacida ee Al-Shabaab.

La-taliyaha amniga Qaranka, Xuseen Macalin Maxmuud oo kaalin weyn ku leh qorshaha hadda lagu wajahayo Kooxda Al-Shabaab ayaa shacabka Soomaaliyeed ku boorriyay in ay naftooda iyo maalkooda huraan, si ay qeyb uga noqdaan buugaagta taariikhda.

“Taariikh baa qormaysa ee muwaadin ka mid noqo oo isku qor bogga saxda ah, door muhiim ayaad ka qaadan kartaa cirib-tirka qawlaysatada Al-Shabaab, xirfadaada hibee, lacag bixi, xooggaaga deeq, ama naftaada hur”, ayuu yiri Xuseen Macalin Maxmuud.

Dowladda Federaalka oo si weyn u abaabushay shacabka ayaa dagaal xooggan ku wajahaysa Al-Shabaab, howlgallo socday labadii bilood ee la soo dhaafay ayaana looga saaray in ka badab 30 degaan oo dhaca gobollo kala duwan oo Hiiraan ugu horreeyo.

MW Xasan ayaa bishii May Xuseen Macallin u magacaabay Lataliyaha Amniga Qaranka, kaas oo la sheegay inuu khibrad iyo aqoon durugsan u leeyahay qaab-dhismeedka amniga qaranka, duruufaha amni ee ku xeeran dalka iyo qorsheyaasha dib-u-dhiska Ciidamada.

Xuseen Macallin, wuxuu hore u soo noqday La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynihii 9-aad, Farmaajo, La-taliye Sare oo dhanka Amniga iyo La dagaallanka Al-Shabaab ah Madaxweynihii 8-aad Xasan Sheekh iyo Xubin ka tirsan Golaha Amniga Qaranka.

Sidoo kale, Agaasimaha Waaxda Amniga Dibadda ee Hay'ada Nabadsugida & Sirdoonka Qaranka (NISA) ayuu soo noqday, ka hor inta uusan qaban xilka Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay'ada, wuxuuna aas aase ka ahaa Machadka Daraasaadka Amniga ee Hiraal.

KEYDMEIDA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.