Dowladda Federaalka oo iska fogeysay eedo loo jeediyay

Xuseen Macallin, wuxuu hore u soo noqday La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynihii 9-aad, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, La-taliye Sare oo dhanka Amniga iyo La dagaallanka Al-Shabaab ah Madaxweynihii 8-aad ee JFS.

Warar Keydmedia Online
Dowladda Federaalka oo iska fogeysay eedo loo jeediyay

MUQDISHO, Soomaaliya – Xuseen Macalin Maxmuud oo dhawaan loo magacaabay La-taliyaha dhanka amniga qaranka ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa wax kama jiraan ku tilmaamay wararka sheegaya inuu dalka Jabuuti kula kulmay hoggaamiyaha ugu sarreeya Jabhadda Xoreynta Dadka Tigray ee TPLF isbuucii la soo dhaafay.

Labao cisho ka hor waxaa soo baxay war xaqiiqadiisu sugneyn, kaas oo ahaa in Madaxweynaha Gobolka Tigray ahna Guddoomiyaha TPLF, Debretsion Gebremichael iyo  La-taliyaha dhanka amniga qaranka, Xuseen Macalin Maxmuud, ku kulmeen Jabuuti bartamihii todobaadkii hore, hayeeshee Xuseen ayaa hadda beeniyay jiritaanka kulankaas.

Xuseen Macalin, wuxuu sheegay in uusan wax safar ah uga bixin Muqdisho tan iyo markii loo magacaabay xilka. “Fadlan ka digtoonow wararka been abuurka ah ee lagu faafinayo shabakadaha bulshada, uma safrin meel ka baxsan Muqdisho tan iyo markii la ii magacaabay La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha,” ayuu yiri Xuseen.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa May 24, 2022, Xuseen Macallin Maxamuud u magacaabay Lataliyaha Amniga Qaranka, kaas oo la sheegay inuu khibrad iyo aqoon durugsan u leeyahay qaab-dhismeedka amniga qaranka, duruufaha amni ee ku xeeran dalka iyo qorsheyaasha dib-u-dhiska Ciidamada Qaranka.

Xuseen Macallin, wuxuu hore u soo noqday La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynihii 9-aad, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, La-taliye Sare oo dhanka Amniga iyo La dagaallanka Al-Shabaab ah Madaxweynihii 8-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Xubin ka tirsan Golaha Amniga Qaranka.

Sidoo kale, Agaasimaha Waaxda Amniga Dibadda ee Hay'ada Nabadsugida & Sirdoonka Qaranka (NISA) ayuu soo noqday, ka hor inta uusan qaban xilka Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay'ada, wuxuuna sanadihii na-weydaartay madax ka ahaa Machadka Daraasaadka Amniga ee Hiraal oo uu aas aase ka ahaa.

Qaar ka mid ah howl-wadeennada Madaxtooyada oo Keydmedia Online la hadlay, ayaa sheegay in warkaan iyo qodob kale oo ku aaddan in Dowladda Soomaaliya wafti u dirtay Israa’iil, ay yihiin dacaayad ay meleegeen kooxda Farmaajo u qaabilsan faafinta dacaayadaha oo ay ugu horreeyaan Cali Yare iyo Cabdirshiid Duqa.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.