Dowladda iyo Al-Shabaab oo kordhayay beegsiga Suxufiyiinta

Saxafiyiinta Soomaaliya ayaa ka howlgala mid kamid ah aagagga ugu khatarta badan Afrika, iyadoo dowladda iyo Al-Shabaab u bartilmaameedsadaan shaqadooda darteed, warbixin cusub ayaa muujisay.

Warar Keydmedia Online
Dowladda iyo Al-Shabaab oo kordhayay beegsiga Suxufiyiinta

MUQDISHO, Soomaaliya - Warbixin sanadle ah, oo ay soo saartay NUSOJ ayaa ku eedeysay Dowladda, Maamul Goboleedyada, inay yihiin kuwa ugu badan ee dhibaateeya Suxufiyiinta.

2021, laba weriye oo sarsare Jamaal Faarax Aadan, oo 56 jir ah, ayaa 1-dii March lagu dilay magaalada Gaalkacyo, ee Galmudug iyo Cabdicasiis ‘Afrika’, oo Nov. Muqdisho lagu dilay.

Afrika ayaa ahaa wariye ruug-caddaa ah oo dhaleeceeya falalka argagaxiso, ee Al-Shabaab. Qof isa soo miidaamiyay oo taagnaa meel u dhow daaqada gaarigiisa ayaa isku qarxiyay.

Waxaa qaraxa ku dhaawacmay agaasimihii TV-ga dowladda ee SNTV. Waxay ahayd dhacdo argagax ku abuurtay bahda warbaahinta qaranka, oo bartilmaameed u ah Kooxda Al-Shabaab.

Hay'adaha amniga, ee dowladda gaar ahaan NISA ayaa sidoo kale ku lug leh beegsiga Suxufiyiinta ka shaqeeya magaaladda Muqdisho, kuwaasoo ku shaqeeya xaaladda adag.

Sanadkii 2021, warbixintu waxay tibaaxday in 34 wariye ay xirtay dowladda, iyadoo aan wax dambi ah lagu soo oogin, waxaana la weeraray afar xarumood oo warbaahineed oo gaar loo leeyahay, kuwaasoo tebiya mawduucyo aan ka farxin maamulka Farmaajo.

Warbixinta ayaa sheegtay inay jiraan 63 kiis oo isugu jira xarig sharci darro ah, jirdil, cagajugleyn dhanka internet-ka ah, handadaada, weeraro gacan ka hadal ah iyo dhibaateyn joogto ah, waxaana ku jira Suxufiyiinta dowladda ku xad-gudubtay gabdho dhowr ah.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.