DF iyo Maamul Goboleedyada oo Heshiis ku gaaray Muqdisho

Waxaa Maanta warmurtiyeed laga soo saarey shirweynaha gunaanadka Siyaasadda Qaran ee Maareynta Khataraha Musiibooyinka iyo Istiraatiijiyadda Qaran ee Gargaarka.

Warar Keydmedia Online
DF iyo Maamul Goboleedyada oo Heshiis ku gaaray Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya - Magaalada Muqdisho waxaa lagu soo gaba-gabeeyay Shirweynaha Siyaasadda Qaran ee Maareynta Khataraha Musiibooyinka iyo Istiraatiijiyadda Qaran ee Gargaarka oo ay kasoo qeybgaleen Wasiirada Gargaarka dowlad Goboboleedyada dalka.

Shirkaan oo socday muddo shan maalmood ah ayaa waxaa looga hadlay gunaanadka siyaasadda Qaran ee Maareynta khataraha Musiibooyinka iyo Istaraatiijiyada Gargaarka, waxaan sigaar ah diirada loogu saaray isku duwidda iyo Maareynta Musiibooyinka.

War-saxaafadeed kasoo baxay Shirka ayaa lagu sheegay in Wasiirka Gargaarka Dowladda iyo kuwa maamul Goboleedyada ay heshiis ku gaareen xoojinta wadashaqeynta ka dhexeeysa Wasaaraddaha ee Arrimaha Gargaarka.

Sidoo kale, Wasiiradda ka qeyb galay Shirka ayaa dhammaan hay'addaha Caalamiga ah iyo gaarka ah ee ka shaqeeya Arrimaha Gargaarka Bani'aadannimo ka dalbaday inay la socdaan howlaha Gargaarka ay dalka ka wadaan Dowladda, maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Ugu dambeyn, Mas'uuliyiinta ka qeyb galay Shirka lagu qabtay Muqdisho ayaa isku raacay in la saameyo Madasha Qaran ee Maareynta khataraha Musiibooyinka Arrimaha bani'aadannimo iyo Gurmadka Deg-deg ah.

Hoos ka Akhriso War-murtiyeedka laga soo saaray Shirweynaha Qaran.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.