Mareykanka oo soo dhaweyay go’aankii Golaha Shacabka

Safaaradda mareykanka ee Soomaaliya ayaa soo dhaweysay go'aankii maanta ee madaxweyne Farmaajo iyo Golaha Shacabka ay wada gaareen kaasoo ku saabsanaa in laga laabtay muddo kordhintii

Warar Keydmedia Online
Mareykanka oo soo dhaweyay go’aankii Golaha Shacabka

MUQDISHO, Soomaaliya - Safaaradda dowladda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa war qoraal ah oo ay soo dhigtay barta ay ku leeyihiin Twitter -ka waxay kusoo dhaweeyeen tallaabadii wada jirka ahayd ee Golaha Shacabka iyo Farmaajo ay qaadeen.

"Waxaan soo dhaweyneynaa ficilada ay maanta qaadeen Madaxweyne Maxamed Farmaajo iyo Golaha Shacabka" ayaa lagu yiri qoraalka. 

Safaaradda ayaa sidoo kale soo dhaweysay doorka la siiyay Ra'iisul Wasaaraha xukuumadda xil gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ee doorashooyinka "Waxaan sidoo kale soo dhaweynaynaa doorka RW Maxamed Xuseen Roble ee hirgelinta doorashooyinka Soomaaliya, oo ay tahay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo qabto." ayaa lagu yiri qoraalka.

Dowladda Mareykanka ayaa kamid ahayd waddamadii diiday go'aankii Golaha Shacabka BJFS ee muddo kordhinta, waxayna horay ugu baaqeen in laga laabto arrintaasi.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.