Dowladda oo baaqii ugu cuslaa u dirtay Al-Shabaab

Hadalkan ayaa yimid saacado kadib markii Ciidamadda Danab ay howlgal habeenkii Arbacada ka fuliyeen degaanka Buq-Aqable, oo ku dhaw Beledweyne ay ku dileen 18 ka tirsan Al-Shabaab.

Warar Keydmedia Online
Dowladda oo baaqii ugu cuslaa u dirtay Al-Shabaab

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Soomaaliya, ayaa ugu baaqday dagaalyahanada iyo hogaamiyeyaasha Kooxda Al-Shabaab in ay isku soo dhiibaan xili u socdo howlgal militeri, oo dadka degaanka Gobollada Dhexe [Hiiraan iyo Galgaduud] ay ka qeyb qaadanayaan.

Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya, ayaa warsaxaafadeed ay ka soo saartay dagaalka billowday ku sheegtay in Ciidamada xoogga dalka ay sii wadi doonaan howlgallada lagu ugaarsanayo kooxaha argagaxisadda ah meel walba oo ay joogaan, iyagoo kaashanaya bulshada degaanka.

Hadalkan ayaa yimid saacado kadib markii Ciidamadda Danab ay howlgal habeenkii Arbacada ka fuliyeen degaanka Buq-Aqable, oo ku dhaw Beledweyne ay ku dileen 18 ka tirsan Al-Shabaab.

Maalmo kahor, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu baaqay shacabka inay ka fogaadaan meelaha ay maamusho Al-Shabaab, aysan dhibaato uga soo gaarin howlgallo qorsheysan oo lagu qaadai doono fariisimaha kooxda.

Madaxweynaha oo horey sidoo kale u sheegay in dagaal militeri iyo mid dhaqaale la galayso dowladda, ayaa xusay in lagu qaadi doono Al-Shabaab weerarro xagga cirka iyo dhulka ah, oo lagu wiiqayo joogitaankeeda Soomaaliya.

Al-Shabaab, inkastoo Muqdisho iyo meelo badan laga saarey tan iyo 2011, ayaa wali ka talisa qeybo ka mid ah Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya, waxaana wali ka fulisaa Muqdisho iyo meelo kale weeraro culus, oo qaraxyo kamid yihiin.

Biden ayaa bishii May amray in Ciidamada Mareykanka lagu celiyo Soomaaliya waxyar kadib doorashadii Xasan Sheekh, taasoo muujinaysa in Washington ay ka go'an tahay xiligan la dagaalanka Al-Shabaab, oo hadii ay xoogeysato khatar gelin karta danaha Mareykanka ee Geeska Afrika.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.