Dowladda oo dishay Hogaamiye Al-Shabaab oo halis badan

Al-Shabaab ayaa wajahaysa guul-darro isdaba joog ah oo kala kulantay dagaalka dalka ka socda, kaasoo dowladda kula wareegtay degaanno badan.

Warar Keydmedia Online
Dowladda oo dishay Hogaamiye Al-Shabaab oo halis badan

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa shaacisay in Ciidanka Qaranka oo garab ka helaya Saaxibadda Caalamiga ay dileen hogaamiye sare oo Al-Shabaab katirsan.

Yuusuf Maxamed Jingaab oo loo yaqaaney Wasiirka ayaa ku dhintay howlgal 15-kii bishan ka dhacay Tuuladda Juxaay, oo ku taalla duleedka degmada Aadan Yabaal, gobolka Shabeellaha Dhexe.

 Ciidanka Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ayaa  xaqiijiyay geerida Yuusuf Maxamad Jingaab (Wasiir) oo ahaa horjooge sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab kaas oo halis wayn ku ahaa badqabka shacabka Soomaaliyeed.”

Dowladda waxay sidoo kale sheegtay in 87 xubnood oo kale ay ku dhinteen howlgalka Juxaay, iyadoo aan jirin illaa hadda warar madax-banaan oo xaqiijinaya sheegashadda dowladda Soomaaliya.

Gobolka Shabeellaha Dhexe waxaa mudooyinkii dambe booqanayay madaxda sare ee Ciidanka iyo dowladda, oo ay kamid yihiin MW Xasan Sheekh iyo Ra'iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.