Dowladda oo ku dhawaaqday go’aan kordhiyay Cabsida Al-Shabaab

Go'aankan ayaa yimid kadib qabashadii degmada Aadan Yabaal, oo Al-Shabaab u ahayd xarunta ay kasoo maleegto qaraxyada Muqdisho.

Warar Keydmedia Online
Dowladda oo ku dhawaaqday go’aan kordhiyay Cabsida Al-Shabaab

MUQDSHO, Soomaaliya - Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, General Cabdullaahi Cali Caanood ayaa ka warbixiyay hawlgalada dalka ka soconaya, ee la doonayo in Al-Shabaab looga saaro degaanada ay maamusho.

Afhayeenka ayaa ku dhawaaqay in mar dhaw billaaban doono wajiga 2aad ee howlgalka, kaasoo lagu dhameytirayo inta ka dhiman xoreynta degaanada maqan, islamarkaana lagu soo afjaro joogotaanka Al-Shabaab ee dalka Soomaaliya.

Hawlgalkan dambe oo hadda gobolada diyaargarowga ay ku jiraan wuxuu bilaabmi doonnaa toddobaadyo gudahood ama toddobaad gudahiisuu bilaaban doonnaa. Markuu halmar bilowdana Insha'Allah, waxaan rajeynaynaa cadowga ummadda Soomaaliyeed inuu dalka ka suulo." ayuu yiri General Caanood.

Go'aankan ayaa yimid kadib qabashadii degmada Aadan Yabaal, oo Al-Shabaab u ahayd xarunta ay kasoo maleegto qaraxyada Muqdisho, sidoo kalena ku qaadi jirtay Canshuurta.

Al-Shabaab ayaa gacanteeda ka baxay degaanno badan oo ku yaalla Galgaduud, Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, waxaana laga dilay xubno badan, iyadoo tani noqonayso jabkii ugu weynaa ee soo gaara tan iyo 2011 markii Muqdisho laga saarey.

Hadda, waxay indhaha kusii jeedaan gobolka Jubbada Dhexe, oo dhamaantiis gacanta ugu jira Al-Shabaab, halkaasoo la rumeysan yahay inay Kooxda u joogaan madaxdeeda sare, iyadoo isku dayaysa inay difaac adag gasho.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.