Dowladda oo xirtay albaabka dhaqaalaha Al-Shabaab

Xasan Sheekh ayaa dhawaan sheegay in dhaqaale ahaan iyo militeri ahaanba ula dagaalamayo Kooxda Al-Shabaab.

Warar Keydmedia Online
Dowladda oo xirtay albaabka dhaqaalaha Al-Shabaab

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Soomaaliya ayaa Maanta ku dhawaaqday tallaabo kale oo kusoo xirayso isha dhaqaalaha Kooxda Al-Shabaab, oo hadda ku furan dagaal dhowr jiho ah.

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Al-Cadaala, Wasiirka Amniga Doodishe iyo Maaliyadda Dr Nur ayaa si wadajir ah u qabtay Shir Jaraa'id, oo ay ku shaaciyeen habka cusub ee lagu joojinayo Canshuurta Al-Shabaab ka qaado Ganacsiga.

Waxay faafiyeen Taleefon lambarro ay dadka uga dalbadeen inay lasoo xiriiraan hadii soo wacdo Al-Shabaab, kadibna ay waydiisato lacagta Canshuurta, si dowladda ay tallaabo uga qaado.

Waxay sheegeen in lacagta ay qaado Al-Shabaab lagu fuliyo qaraxyada dadka lagu laayo, sidaas darteedna looga baahan yahay shacabka inay joojiyaan siinta lacagta canshuurta xoogga ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhawaan sheegay in dhaqaale ahaan iyo militeri ahaanba ula dagaalamayo Kooxda Al-Shabaab, oo khatar ku ah sida uu sheegay jiritaanka Soomaaliya.

Al-Shabaab ayaa lacag lagu qiyaasay $15 milyan oo dollar ka qaado ganacsiga Muqdisho, dhulalka la kala iibsado iyo badeecadaha kasoo dega dekadda, iyadoo ay jiraan dad la shaqeeya oo dowladda uga dhex-jira, kuwaasoo xogta siiya.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.