Dowladda Soomaaliya oo dalab u gudbisay IMF

Wada-xaajoodka dib u cusboonaysiinta barnaamijka ayaa sidoo kale qayb ka ah heshiiska lagu dhimayo deymaha Soomaaliya lagu leeyahay oo ka badan 5 bilyan oo doolar.

Warar Keydmedia Online
Dowladda Soomaaliya oo dalab u gudbisay IMF

NAIROBI, Kenya - Dowladda Soomaaliya ayaa ka codsatay hay’adda IMF in ay u kordhiso waqtiga laga sugayay inay dib u eegis ku sameyso barnaamijka taageerada dhaqaale oo laga sugayay 17-ka bishan May muddo saddex bilood ah ilaa 17-ka August.

Sida ay qortay Reuters, Haweenayda IMF u qaabilsan Soomaaliya Laura Jaramillo, ayaa ka digtay bishii Febuary in dib u dhaca doorashooyinka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha ay sababi karto in la joojiyo taageeradda maaliyadeed.

Hay'adda Lacagta Adduunka waxay sheegtay in loo baahan yahay Soomaaliya inay yeelato dowlad cusub oo saxiixda cusboonaysiinta barnaamijka taageerada miisaaniyada saddexda sano ah, oo dhan ku dhawaad ​​$400 milyan, taasoo hadii aan la dooran Madaxweyne cusub bishan halis ugu jirto in si toos ah u joogsato.

Doorashada madaxtinimo Soomaaliya ayaa loo mudeeyay 15-ka May. Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya waxay warqad u dirtay IMF-ta oo ay kaga codsanayso in la siiyo waqti dheeraad ah si loo soo gabagabeeyo wadahadallada ku saabsan dib u cusboonaysiinta barnaamijka taageerada miisaaniyadda,

Wada-xaajoodka dib u cusboonaysiinta barnaamijka ayaa sidoo kale qayb ka ah heshiiska lagu dhimayo deymaha Soomaaliya lagu leeyahay oo ka badan 5 bilyan oo doolar.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.