Dowladda Soomaaliya oo qiratay musuq-maasuqa lagu eedeeyay

Warbixintii Hanti-dhawraha ayaa daboolka ka qaadey musuq-maasuq boqolaal milyan oo dollar ah inay dowladda sameysay sanadkii tagey ee 2020.

Warar Keydmedia Online
Dowladda Soomaaliya oo qiratay musuq-maasuqa lagu eedeeyay

MUQDISHO, Soomaaliya - Mas'uul katirsan hay'adda Garsoorka dowladda, ayaa xaqiijiyay in musuq-maasuq uu ka dhex-jio Maamulka Farmaajo, ee waqtigiisu dhacay Feb 2021.

Isagoo ka hadlayay munaasabadda maalinta la dagaalanka musuq-maasuqa oo ka dhacday maanta Muqdisho, ayuu gudoomiyaha Maxkamadda Racfaanka qiray musuq-maasuqa DFS.

Maxamed Xasan Baari, ayaa sheegay in arrinta lagu sheegay in Warbixinta Transparency ee ah Soomaaliya ku jirto kaalinta 1aad dalalka ugu musuqa badan dunida ay tahay mid sax ah.

Wuxuu si gaar ah carabka ugu dhuftay musuq-maasuqa doorashadda, isagoo ku baaqey in lacagaha laga qaado musharixiinta ee diiwaangelinta ah aaney ka jirin isla-xisaabtan dhab ah.

Wakiilka QM James Swan ayaa shaaciyay in waxa Soomaaliya kahor taagan horumarka dhaqaale iyo dowladnimada uu yahay musuq-maasuqa, oo aan jirin hay'ad wax ka qabata.

Warbixintii Hanti-dhawraha ayaa daboolka ka qaadey musuq-maasuq boqolaal milyan oo dollar ah inay dowladda sameysay sanadkii tagey ee 2020.

Keydmedia ayaa dhawaan akhristiyaasheeda usoo gudbin doonto warbixino tooshka ku ifinaya musuq-maasuqa hay'adaha dowladda Farmaajo, iyadoo qoraal iyo muuqaal ah.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.