Sweden oo ballanqaad u sameysay Gobolka Banaadir

Safiir ku xigeenka Dowlada Swedan ee Soomaliya Petra Smitmanis Dry oo la kulantay guddoomiyaha Gobolka Benaadir ayaa waxay ballan qaad u sameysay maamulka Gobolka Benaadir

Warar Keydmedia Online
Sweden oo ballanqaad u sameysay Gobolka Banaadir

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Maanta Xafiiskiisa ku qaabilay safiir ku xigeenka Dowlada Swedan ee Soomaliya Petra Smitmanis Dry.

Labada mas'uul ayaa kulankooda uga hadlay kaalinta dowladda Sweden ay ku leedahay dib u soo kabashada Dalka, taasoo qeyb weyn ka qaadaneysa horumarada, gaar ahaan Gobolka Banaadir.

Guddomiyaha Gobalka ayaa uga mahadceliayay danjire ku xigeenka Sweden tababarada ay siiyaan shaqaalaha Dowladda Hoose iyo sidii loo dardar galin lahaa Mataaneynta labada magaalo èe Muqdisho iyo Gothenburg.

Safiir ku xigeenka Safaarada Swedan ee Soomaaliya ayaa ballan qaaday in ay kordhin doonaan taageerada ay siiyaan shacabka Gobolka Banaadir, isagoo ku amaanay mas'uuliyiinta maamulka gobalka howlaha uu u hayo Bulshada Caasimadda.

Kulankan ayaa ahaa kii ugu horreeyay oo Petra ay la yeelato guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Filish.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.