REER NIMCAALE; Dowladdu ha soo faragaliso fidnada Qoorqoor falkinayo

Hobyo isku heyn iyo hormarin ayay u hamuun qabtaa ee in la kala haatiyo han uma heyso ee Qoorqoorow hingadaada dib u laq”, ayuu yiri mid ka mid ah odayaasha beesha ee dhawaan ku dhawaaqay in Reer Nimcaale xiriirka u jareen nidaamka Qoorqoor.

Warar Keydmedia Online
REER NIMCAALE; Dowladdu ha soo faragaliso fidnada Qoorqoor falkinayo

AF-BARWAAQO, Soomaaliya – Beesha Reer Nimcaale oo ka tirsan beel weynta Sacad – Habargidir oo dhawaan ku dhawaaqday in ay joojisay dhammaan wada-shaqayntii kala dhaxaysay maamulka Qoorqoor hoggaamiyo ee Galmudug ayaa mar kale Dowladda Federaalka ugu baaqday in ay wax ka qabato tabashada beesha.

Kulamo kala duwan oo qurba-joogta beesha Reer Nimcaale ku yeesheen dalal bannaanka ah ayaa lagu soo dhaweeyay go’aanka beesha ee ku aaddan in xiriirka loo jaro Qoorqoor oo ku sifoobay eex iyo reer-necbeysi gaar ah, isla-markaana u tafa-xeytay siduu isaga hor keeni lahaa beelaha wada-dhasahy ee dega gobolka Mudug.

Beeshu waxa ay Qoorqoor ku eedeysay inuu la soo baxay dhaqan mooryaameed, kaliyana uu doonayo inuu meel mariyo waxa uu isagu rabo, isla-markaana uu beesha duudsiiyay xuquuqaadkii dastuuriga ahaa oo ay lahaayeen, taas ayayna ku sheegeen sababtya ka danbeysa in ay joojiyaan wada-shaqayntii kala dhaxaysay.

Qoorqoor xuquuqaadka ay beeshaan lahayd ee uu isku hor-gooyay waxaa ka mid ah, guud ahaa xuquuqdii ay lahayd degmada Af-barwaqo oo dhacda bariga gobolka Mudug, dhinacna  u xigtaa maamulka Galmudug, taasoo ka mid ah degmooyinka uu rajiimkii Maxamed Siyaad Barre u magacaabay degmonimo buuxda 1988-kii.

Sida ay Keydmedia Online u sheegeen odayaasha beesha tabashada muujisay, degmada Af-barwaqo, waxa ay 34 sano heystaa wareegtada degmannimo, taasoo 1988-kii ka soo baxday xafiiska Wasiirkii Arrimaha Gudaha ee Dowladdii Kacaanka, Axmed Salebaan Dafle, hayeeshee, Qoorqoor wuxuu diiday inuu dhameystiro inta dhiman.

Sidoo kale odayaashu waxa ay KON u sheegeen in Qoorqoor doonayo inuu siduu doono ka yeesho degmo xeebeedka qaddiimiga ah ee Hobyo, taasoo ah degmada baahida ugu badan xilligaan u qabta adeeg dowladeed, isla-markaana uu doonayo inuu yabyabo hannaan cadaaladda ka fog oo sababi kara isku dhac beelo walaalo ah.

Hobyo isku heyn iyo hormarin ayay u hamuun qabtaa ee in la kala haatiyo han uma heyso ee Qoorqoorow hingadaada dib u laq”, ayuu yiri mid ka mid ah odayaasha beesha ee dhawaan ku dhawaaqay in Reer Nimcaale xiriirka u jareen Qoorqoor oo markii horaba ay kursiga saareen Farmaajo iyo Fahad oo fidno ka talin maahane aan faa’iido lahayn.

Tabashada beesha Reer Nimcaale waxaa ka dhashay in maalintii Saddexaad ay ga’an yihiin koontaroolada wayn ee magaalada Gaalkacyo, kadib markii ciidan dabaabaad xooggan wata oo beeshaas ka soo jeeda ay la wareegeen baraha koontarool taasoo muujineysa sida loogu baahan yahay faragalinta Dowladda dhexe oo deg deg ah.

Reer Nincaale waa beesha bud-dhigga u ahayd maamulka Galmudug, waxaana ka soo jeeda Madaxweynihii ugu horreeyay ee maamulkaas, Prof Maxamed Warsame Cali (Kiimiko), halka uu ka dhashay halyaaygii caanka ahaa Allaha u naxariistee Cabdullaahi Ciise Maxauud oo sabab u ahaa in Koofurta Soomaaliya ka xorowdo gumeystihii.

Qoorqoor wuxuu rumeysan yahay in uusan dib ugu soo laaban doonin xilka Madaxweynaha Galmudug, wuxuu hore u dulmiyay inta badan beelaha iyo jufooyinka dega labada gobol ee Mudug iyo Galgaduud, wuxuu ku tuntay xuqaaqaadka inta badan degaannada, wuxuuna kaliya u heellan yahay xooleysi iyo inuu malaayiin dollar kala tago xilka uu hadda hayo.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.