Duleedka Galkacyo oo dagan

Mudug(Keydmedia) Wararka aynu ka haleyno deegaano ku yaala duleedka magaalada Galkacyo ee xarunta gobalka Mudug ayaa sheegaya in xaalad xasilooni ah laga dareemayo deegaano shalay lagu dagaalamay
Warar Keydmedia Online

Dagaal shalay ka dhacay halkaasi isla markaana u dhaxeeyay beelo deegaanka wada daga oo xoola dhaqato ah ayaa waxaa ku geeriyooday dad gaaraya 10 ruux iyadoona ay ku dhaawacmeen tira intaa ka badan.

Labadii bilood ee ugu danbeysay ayaa deegaano ku hareereysan gobalkaasi waxaa ka socday colaad beeleed dhaxalkeeda uu noqday dhimasho iyo dhaawac, waxaana la aaminsanyahay in dad ka badan 40 ruux ay ku dhinteen dagaaladaasi.

Waxaa soconaya iminka dadaalo ay duqowda deegaanka ku doonayaan xal u helida colaadaasi.

Www.keydmedia.net

 

 

 

 

 

 

 

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.