Duqeymo la’aan, maxay uga dhigan tahay Al-Shabaab?

Duqeymaha waxay u diidayaan Al-Shabaab inay hesho fursad ay isku abaabusho, oo ay ku qorsheyso weeraro, kuna tababarto dagaalyahanno cusub, dhanka kale, Mareykanka ayaa duqeymihii uu Soomaaliya ka geystay sanadihii lasoo dhaafay ku laayay shacab badan oo rayid ah. 

Warar Keydmedia Online
Duqeymo la’aan, maxay uga dhigan tahay Al-Shabaab?

MUQDISHO, Soomaaliya - Safiirkii hore ee Mareykanka Stephen Schwartz, ayaa sheegay in hadii aan jirin duqeymaha Mareykanka ay Al-Shabaab noqonayso khatar weyn oo aan waxba laga qabin karin, islamarkaana halis galisa amaanka Soomaaliya iyo midka gobolka Geeska Afrika.

Wuxuu u sheegay VOA in duqeymaha cirka ay wiiqeen awooddii badnayd ee Kooxda, oo hadda dib u gurasho sameynaysa iyadoo ay hogaamiyeyaasheeda ay noqdeen kuwa diyaaradaha drones-ka ugaarsi ku hayaan, oo ku dhuumaaleysanaya keymaha/duurka.

"Hadii aan dhicin wax duqeyn ah mudo bilooyin ah, waxaan u maleynayaa in Al-Shabaab ay heli lahayd fursad fiican iyo nafis oo ay isku abaabusho, kuna diyaariso weeraro waaweyn, waxayna sameyn lahayd dhaq-dhaqaaqyo, tabararo iyo shirqoolo ka dhan ah amniga Soomaaliya iyo midka Gobolka Geeska Afrika," ayuu yiri Schwartz.

Schwartz ayaa soo noqday danjiraha Mareykanka u fadhiya Soomaaliya intii u dhaxaysay 2016 illaa 2017, waana mas'uul xog badan ka haya arrimaha la dagaalanka argagaxisadda Soomaaliya, oo Washington dhaqaale badan ku bixisa.

Hadalkiisa wuxuu imaanaya xili labo duqeyn ay Ciidamada Mareykanka ka fuliyeen Todobaadkii tagey gobolka Mudug, oo uu ka socdo howlgal ballaaran oo Ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug ay iska kaashanayaan.

Jimcaddii shalay ayee aheyd markii Wasaaradda Amniga Galmudug ay sheegtay in diyaaradaha aan duuliyuhu wadin ee Mareykanka, ay duqeyn la beegsaday xarumo ay Kooxda Al-Shabaab ku leeyihiin degaanno u dhexeeya Qeycad iyo Hareeri-dheere, oo dhaca gobolka Mudug.

“Laba gantaal oo kuwa diyaaradaha laga soo rido ah ayaa lagu duqeeyey saldhig kale oo kooxda Alshabaab ay ku lahaayeen Qaycad iyo Hareeri dheere dhexdooda, waxaana hadda horey u galay ciidamada qaranka iyo kuwa Galmudug”. Ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Galmudug.

Afar maalin ka hor ayay ahayd markii Mareykanku sidaan oo kale, duqeeyay fariisimo ay Kooxda Al-Shabaab ku lahaayeen gobolka, taas oo ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Galmudug, u sahashay in ay la wareegaan gacan ku heynta degaanno hor leh.

Biden oo sii wada dagaalkii Trump

Pentagon-ka ayaa gelinkii dambe ee Talaadadii, xaqiijiyay in ciidamada Mareykanka ay ka dambeeyeen weerar ka dhacay meel u dhow Gaalkacyo, oo qiyaastii 580 kiiloomitir waqooyiga ka xigta magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Sarkaal ka tirsan Wasaaradda Gaashandhigga Mareykanka ayaa sheegay in duqeyntaas fulinteeda loo cuskaday shirciyo hore u jiray, si loo difaaco xogagga Mareykanka xulifada la ah, waxaana la fuliyay duqeyntaas iyada oo aysan jirin ciidan Mareykan ah oo ku sugan dhulka.

Weerarkii cirka ee Talaadadii lala beegsaday Al-Shabaab ayaa ah duqeyntii ugu horreysay ee noocan oo kale ah muddo lix bilood ah, waana tii ugu horreysay oo la qaado tan iyo markii uu xafiiska qabtay Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden.

Dowladda Mareykanka ayaa qiratay in ay Soomaaliya ka fulisay 63 weerar oo cirka ah oo uu lala beegsaday Al-Shabaab sanadkii 2019 halka 53 duullan ay fuliyeen sanadkii na-weydaartay 2020.

Tan iyo markii uu xilka qabtay madaxweynaha cusub ee Joe Biden, saraakiisha Soomaaliya waxay dhowr jeer ku baaqeen in dib loo billaabo duqeymaha diyaaradaha Mareykanka.

Afhayeenka Ciidamada Soomaaliya Korneel Cali Xaashi Cabdinuur ayaa sheegay bilowgii todobaadkan inuu rajeynayo in Mareykanku uu dib u billaabi doono duqeymaha, gaar ahaan bartilmaameedyada fog iyo aagagga aysan gaari karin ciidamada lugta ee Soomaaliya.

3 October 2020, Keydmedia Online ayaa soo daabacday warbixin ku saabsan khasaaraha dadka aan waxba galabsan ee lagu laayaya duqeymaha Mareykanka [Halkan ka akhri/daawo].

Militeriga Mareykanka ayaa mudo 13 sano ah Howlgallo duqeymaha ah ka fulinaya gudaha Soomaaliya.

Sanadkan 2020 waxuu Mareykanka fuliyay 42 duqeyn, oo ay ku dhinteen 21 qof oo shacab ahaa, oo caruur iyo haween u badan, iyadoo ay ku dhaawacmeen in ka badan 11 kale oo Isbitaallo wali jiifa.

Illaa hadda ma jirto cid dowladda Mareykanka magdhaw siisay ama ka raali-gelisay dadka shacabka ahaa ee ku dhintay duqeymaha, iyadoo dowladda Soomaaliya gabtay doorkeedii difaacida muwaadiniinteeda ajnabiga laynayo.

Dad badan oo shacab ah ayaa naftooda ku waayay duqeymaha socda, waxaana inta badan AFRICOM sheegtaa inaysan khasaaro rayid ka dhalan howlgalladooda, balse taasi beenowday kadib markii ay hadleen ehelada dhibaniyaasha.

Dowladda Soomaaliya ee uu hogaaminayo Madaxweyne Farmaajo ayaa indhaha iyo dhagaha ka qabsatay duqeymaha uu Mareykanku ka fulinaya gudaha Soomaaliya, kuna laynayo shacab aan waxba galabsan.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.