Duqeymo ka dhacay xalay Muqdisho

Muqdisho (keydmedia) Waxaa xalay ilaa shalay galinkii danbe ka dhacay magaalada Muqdisho dagaalo iyo duqeymo sababay dhimashada dad rayid ah oo aan waxba galabsan.
Warar Keydmedia Online

Duqeynta ayaa ka danbeysay kadib markii amisom iyo dowlada oo iska dhan ah iyo Alshabaab ay ku dagaalmeen degmooyinka magaalada Muqdisho gaar ahaan deegaanada ay isku horfadhiyaan dhinacyadaasi.

Inta la xaqiijiyay 10 ruux ayaa ku geeriyootay duqeymahaasi iyadoona ay ku dhaawacmeen 25 kale kuwaa oo iminka lagu dabiibayo isbitaalada magaalada Muqdisho.

Ma jirto ilaa iyo hadda dhamaan dhinacyada ku lugta lahaa dagaalka mid sheegtay qeyb yar oo ka mid ah mas’uuliyadda dhibaatada gaartay shacabka Soomaaliyeed.

Www.keydmedia.net

 

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.