Duqeyn culus oo lala eegtay Al-Shabaab [Khasaaraha]

Ciidamada federaalku waxay bilaabeen olole cusub bishii Ogosto iyagoo taageero ka helaya Maraykanka iyo maleeshiyo beeleedyo deegaanka ah.

Warar Keydmedia Online
Duqeyn culus oo lala eegtay Al-Shabaab [Khasaaraha]

MUQDISHO, Soomaaliya - Mareykanka ayaa sheegay in 17 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab ay ku dileen duqeyn Arbacadii ka dhacday Soomaaliya. Weerarka is-difaac ah ayaa yimid maalmo kadib markii Al Shabaab ay 121 qof ku dishay qaraxyo ka dhacay magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho, gaar ahaan Zoobe, 29-kii October.

Ciidamada Mareykanka ayaa qaaday weerarka kadib codsi uga yimid dowladda Soomaaliya, oo Ciidankeeda weerar kala kulmay Al-Shabaab, sida lagu sheegay bayaan Jimcihii ka soo baxay taliska Mareykanka ee Afrika [AFRICOM].

Duqeynta waxay ka dhacday meel aan magaceeda la shaacin, oo 285-KM Waqooyiga Bari uga beegan Muqdisho.

Arbacadii, ayaa Ciidanka dowladda Soomaaliya waxa ay sheegeen in ay dileen ugu yaraan 20 dagaalame, ayna dib ugala wareegeen Al-Shabaab degaanno ku yaalla bartamaha Soomaaliya.

Ciidamada dowladda Federaalku waxay bilaabeen howlgal militeri bishii August kadib weerarkii Hayat hotel ee Muqdisho, kaasoo lagu dilay 21 qof, laguna dhaawacay 117 qof.

1-dii bishan, Mareykanka ayaa cunaqabateyn ku soo rogay Daacishta Soomaaliya iyo ganacsato kale oo hub ka iibiyey Al Shabaab. Waxay dowladda Mareykanka sidoo kale weeraro badan oo cirka ah ku beegsatay Al-SHabaab kooxda bilihii la soo dhaafay.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa fasaxay in Ciidamada Mareykanka loo daabulo dalka Soomaaliya bishii May, 17 bilood ka dib markii madaxweynihii isaga ka horreeyay ee Donald Trump uu Ciidamadiisa kala baxay.

Saraakiisha Wasaaradda difaaca Mareykanka, ayaa sheegay in go’aankan la qaatay kadib markii Al-Shabaab ay kordhiyeen weerarada, oo uu ka mid yahay weerar sanadkii 2020 ka dhacay dalka Kenya, kaasi oo lagu dilay 3 Mareykan ah degaanka Lamu.

Kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida ayaa muddo ka badan 15 sano waxay waday kacdoono ka dhan ah dowladda Federaalka, taasi oo ay rajaysanso in ay xukunka uga tuurto dowladda fadhisa Muqdisho.

Al-Shabaab ayaa maamusha dhul aad u fara badan, oo inta badan ku yaalla Koonfurta Soomaaliya, waxayna qubarada amniga sheegeen in sababta looga adkaan la'yahay Kooxdan ay tahay siyaasada guracan ee dalka ka jirta iyo ka go'naansho la'aanta dowladda inay tallaabo qaado.

Waxay Al-Shabaab si joogto ah weeraro uga fulisaa Muqdisho iyo meelo kale oo dalka kamid ah, waxaana ay ku dishay tobanaan kun oo qof.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.