Duqeyn culus oo lala eegtay Saldhiga Al-Shabaab

Midka koowaad ayaa dhacay 14-kii December, waxaana AFRICOM ay sheegtay in 7 ka tirsan Al-Shabaab ay dileen. Duqeynta labaad ayaa dhacday saddex maalmood kadib, waxaana lagu dilay 8 ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab.

Warar Keydmedia Online
Duqeyn culus oo lala eegtay Saldhiga Al-Shabaab

MUQDISHO, Soomaaliya - Militeriga Mareykanka ayaa Soomaaliya ka fuliyay duqeyn uu ku dilay lix ka tirsan Al-Shabaab Jimcihii, sida lagu sheegay war ka soo baxay taliska AFRICOM.

Weerarkan ayaa ahaa mid is-difaac ah, sida uu sheegtay AFRICOM, waxaana lagu fuliyay codsi uga yimid dowladda Soomaaliya. Marka loo eego qiimeyn hore, ma jirto dad rayid ah oo la dilay ama lagu dhaawacay.

Waa markii saddexaad oo muddo 10 maalmood gudahood uu Mareykanka duqeynayo Al-Shabaab, waxayna ka dhacday isla degaan ku dhaw Cadale oo qiyaastii 150 mile dhanka waqooyi bari kaga beegan Caasimadda Muqdisho.

Duqeyntii 1aad ayaa dhacay 14-kii December, waxaana AFRICOM ay sheegtay in 7 ka tirsan Al-Shabaab ay dileen. Duqeynta labaad ayaa dhacday saddex maalmood kadib, waxaana lagu dilay 8 ka tirsan Al-Shabaab.

Mareykanka ayaa taageero joogto ah siiya dowladda Soomaaliya tan iyo markii madaxweyne Joe Biden uu ansixiyay bishii May codsigii Pentagon-ka ee ahaa in Ciidamada lagu soo celiyo dalka si looga hortago kooxda argagixisada ah.

In ka badan 500 oo askari oo Mareykanka ah ayaa lagu soo celiyay Soomaaliya bishii May 2022, kuwaasoo dalka ka saarey Donald Trump sanadka 2021-ka horaantiisa.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.