Duqeyn lagu dilay 200 oo Al-Shabaab ah

Waxay ka dhacday meel ku dhaw tuuladda Wabxo, ee gobolka Galgaduud, oo qeybo kamid ah Al-Shabaab maamusho.

Warar Keydmedia Online
Duqeyn lagu dilay 200 oo Al-Shabaab ah

MUQDISHO, Soomaaliya - Warbaahinta dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in 200 oo kamid ahaa Al-Shabaab lagu dilay duqeyn cirka, oo ka dhacdy gobolka Galgaduud.

Diyaaradaha oo ahaa nooca drone-ka ayaa dhowr gantaal ku dhuftay saldhig Al-Shabaab lagu tababaro gudaha tuulada Hareeri-Gubadle, oo 20KM dhanka Bari uga beegan degaanka Wabxo.

Militeriga Mareykanka ee Africa (AFRICOM) kama hadlin, balse Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa la ogyahay inaysan haysan diyaarado dagaal.

Bishii lasoo dhaafay, Mareykanka ayaa weerar noocan ah ka fuliyay gobolka, kaasoo lagu difaacayay Ciidanka dowladda oo weerar lagu qaadey.

Xili Trump weeraradii ugu badnaa ayuu Mareykanka ka fuliyay Soomaaliya, kuwaasoo shacabka khasaarooyin kasoo gaareen.

Biden ayaa ka fekeraya inuu dib usoo celiyay boqolaal askari oo Trump Soomaaliya ka saarey, kuwaasoo tababaray DANAB.

Maqnaanshaha duqeymaha cirka waxay fursad siisay Al-Shabaab oo awood u yeelatay inay weeraro soo qaadey, halka markii hore difaac ku jirtay.

Mareykanka ayaa u muuqata khatarta argagaxisadda ee sii kordhaysa, taasoo ku foorarta danihiisa Geeska Africa. Wuxuu ku qasban yahay inuu khatarta ku burburiyo Soomaaliya, oo dib ugu soo celinayo Ciidanka.

KEYDMEDIA ONLINE 

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.