Madaxii Ajaaniibta Al-Shabaab oo la dilay

Sarkaalkan oo lagu magacaabi jiray Thaabit ayaa madax u ahaa dagaalyahanada ajnabiga ee u dagaalama Kooxda Al-Shabaab.

Warar Keydmedia Online
Madaxii Ajaaniibta Al-Shabaab oo la dilay

JILIB, Soomaaliya - Duqeyn ka dhacay degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe ayaa lagu dilay xubno sare oo katirsanaa Kooxda Al-Shabaab, oo uu ku jiro Madaxii dagaalyahanada ajnabiga ee ku sugan dalka, oo magaciisa lagu soo koobey Thaabit.

Ajaanibta Al-Shabaab ayaa intooda badan ku dhintay dagaallo iyo duqeymo dalka ka dhacay 8-dii sano ee lasoo dhaafay, waxayna u badan yihiin kuwa ka yimid dalalka deriska sida Kenya iyo Tanzania.

Degmada Jilib ayaa saaran diiradda Mareykanka, waxaana inta badan uu ka fuliyaa duqeymaha cirka, kuwaasoo horey loogu dilay Saraakiil sare oo Al-Shabaab katirsanaa.

Al-Shabaab ayaa ku waysay hogaamiyeyaal sare duqeymaha Mareykanka, kuwaasoo uu kamid yahay Axmed Godane oo Sep 1, 2014 lagu dilay duqeyn diyaaradeed oo ka dhacday duleedka degmada Baraawe, ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidanka Mareykanka oo lagu qiyaaso 700 ilaa 800 ayaa dalka isaga baxay intooda badan kadib markii Trump uu amray in laga soo qaado Ciidanka u dhashay dalkiisa wadamo Soomaaliya ay kamdi tahay.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.