Duulaan uu Gudoomiye horkacayo oo lagu qaadey Al-Shabaab

Degmooyinka gobolka Hiiraan ayaan isku gudbi karin, kadib markii Al-Shabaab ay go'doomisay ku dhawaad 10 sano kahor markii laga saarey.

Warar Keydmedia Online
Duulaan uu Gudoomiye horkacayo oo lagu qaadey Al-Shabaab

BELEDWEYNE, Soomaaliya - Waxaa Hiiraan ka socda howlgal militeri oo uu hogaaminayo Cali Jeyte oo ah gudoomiyaha gobolka, iyadoo ay wehliyeen madaxda degmooyinka Matabaan iyo Maxaas.

Waxay Saraakiisha Ciidanka dowladda iyo kuwa HirShabeelle sheegeen inay Al-Shabaab ka saareen illaa 10 degaan oo isku xira Maxaas iyo Matabaan, iyagoo intaasi ku daray inay sii wadayaan gulufka dagaal illaa la isku furayo degmooyinkii Al-Shabaab go'doomisay.

Cali Jeyte ayaa mudooyinkii dambe lagu arkayay furumaha dagaalka, isagoo xiran dareeska Ciidanka, islamarkaana qori AK-47 gardaadsan, una diyaar ah inuu Al-Shabaab jilbaha dhulka u dhigo.

Degmooyinka gobolka Hiiraan ayaan isku gudbi karin, kadib markii Al-Shabaab ay go'doomisay ku dhawaad 10 sano kahor markii laga saarey. Tani ayaa sababtay xaalad bini'aadanimo iyo sicir-barar qiimaha raashiinka.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.