Madaxda EAC oo go’aan kasoo saarey dalabka Xasan Sheekh u gudbiyay

Xasan Sheekh ayaa gudbiyay dalabkii 3aad oo Soomaaliya u dirayso EAC, oo ku aadan xubinimada Ururka ka dhisan Bariga Africa.

Warar Keydmedia Online
Madaxda EAC oo go’aan kasoo saarey dalabka Xasan Sheekh u gudbiyay

ARUSHA, Tanzania - Waxaa lasoo gaba-gabeeyay kulankii 22aad ee madaxda East African Community, oo ka socday labadii maalin ee laso dhaafay magaaladda Arusha, ee dalka Tanzania.

Kulanka waxaa isagu yimid wafuudda 7 dal, oo kala ah Uganda, Tanzania, Rwanda, Burundi, South Sudan, Kenya iyo Dr Congo, kuwaasoo ka shiray arrimo uu ku jiro dalabka Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Khamiistii khudbad ka jeediyay furitaanka kulanka, isagoo marti-sharaf ah, waxaana uu gudbiyay codis ah in Soomaaliya loo ogolaado inay ku biirto Ururka EAC.

Qoraaol kasoo baxay shirka, ayaa lagu sheegay in Wafdi heer wasiirro ah oo ka socda EAC loo soo diri doono Muqdisho, si ay qiimeyn ugu soo sameeyaan in Soomaaliya ay u qalanto inay kamid noqoto Urur Goboleedka Bulshadda Bariga Africa.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in Soomaaliya ay ku taallo Bariga Africa, islamarkaana dhamaan dalalka gobolka ay la wadaagto dano dhaqaale, amni iyo mid ganacsi, sidaas darteedna lagama maarmaan tahay inay qeyb ka noqoto isbahaysiga.

Soomaaliya ayaa gudbisay dalabkii ugu horeeyay 2016 xiligaasi oo Xasan Sheekh Madaxweyne ahaa, waxaa ku xigay 2019 oo Farmaajo gudbiyay, laakiin labada isku-day midna ma mira-dhalin.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.