Ehelka Ikraan Tahliil oo qaadacay guddi loo saaray kiiska

Sida ay sheegtay Qaali Maxamed oo ah hooyada Ikraan, inta u dhaxeysa KM-0 iyo Hotel Globel, ayaa laga afduubtay Ikraan, waxaana loo qaatay dhanka guriga Maamo Khadiijo, oo ay degan yihiin taliska Nabad-sugidda.

Warar Keydmedia Online
Ehelka Ikraan Tahliil oo qaadacay guddi loo saaray kiiska

MUQDISHO, Soomaaliya - Ehellada Ikraan Tahliil Faarax, oo ah maqane tan iyo 26-kii Juun, ayaa ku gacan seyray guddi saraakiil ah oo uu shalay magacaabay Xeer Ilaaliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Genaraal Cabdullaahi Buulle Kamay, kaas oo la sheegay in uu baarayo kiiska Ikraan.

Xeer ilaalintu waxa ay sheegatay in guddigu ka kooban yahay Sedax Sarkaal oo ka kala Socda Xafiiska Xeer ilaalinta, Boliiska & Nabad-Sugidda, hayeeshee, ehellada Ikraan oo maanta kulan ay saxaafadda kula hadleen ku yeeshay Muqdisho, ayaa sheegay in xeer ilaalintu marin habaabineyso kiiska, kadib markii ay magacaawday gacantii lagu tuhmayay maqanaha.

“Waxaan ka dhiidhineynaa dadkii gacantooda aan ku tuhmeynay, ee intii hore u dhimatayna ay gacantooda ku dhinteen, inta noolna u soo socata, in la yiraahdo kiiska baaritaanka ayaa madax ka tihiin, waa marin habaabin wax la qaadan karana maah, mana yeeleyno oo dadkaasi waxba noo baari maayaaan.” Ayuu yiri mid ka mid ah ehellada oo la hadlay warbaahinta.

Sidoo kale, odayaasha madasha ka hadlay waxa ay sheegeen in ay ka digayaan in xilligaan dib loogu laabto kala aarsi iyo aanooyin qabiil, waxayna ku celcliyeen in taliska NISA, uu mar kasta u eedeeysan yahay kiiska Ikraan Tahliil.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble, ayay ugu baaqeen inuu arrinkaan soo faragaliyo, una saaro guddi madax bannaan oo lagu kalsoonan karo.

Dr. Xasan Faarax Axmed, oo ah adeerka Ikraan Tahliil Faarax, oo ehelkeedu raadinayan raqdeeda iyo ruuxeeda muddo ka badan 30 cisho, ayaa dhawaan Farmaajo iyo Fahad Yaasiin, ku edeeyay in ay ka danbeeyeen afduubka lagula kacay Ikraan.

Sidoo kale, Agaasmiye ku-xigeynkii hore ee Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sir-doonka Qaranka, Gen Cabdalla Cabdalla, ayaa isna sheegay in kiiska Ikraan uu u muuqdu mid dil ah, lana mariyay waddadii ay Fahad Yaasiin iyo Kullane Jiis hore u mariyeen saraakiil badan, kaas oo ah in qofka la dilo lana qariyo.

Sida ay sheegtay Qaali Maxamed oo ah hooyada Ikraan, inta u dhaxeysa KM-0 iyo Hotel Globel, ayaa laga afduubtay Ikraan, waxaana loo qaatay dhanka guriga Maamo Khadiijo, oo ay degan yihiin taliska Nabad-sugidda.

Ikraan Tahliil, ayaa hore uga tirsaneyd shaqaalaha Gobolka Banaadir, waxayna hadda ka mid ahayd howlwaennada NISA, halka ay dhawaan ka soo laabatay aqoon kororsi ay u aadday dalka Ingiriiska.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.