Elman “Waan canbaareyneynaa xasuusaqa shacabka Muqdisho”

Muqdisho(Keydmedia) Gudoomiye ku xigeenka Hey’adda Nabadda iyo xuquuda aadanah Elman Cali Shiikh Yaasin (Cali fadhaa) ayaa aad u canbaareeyay dhibaatada xasuuq ee ay muqdisho ka geysanayaan ciidmada Shisheeye iyo kooxaha mucaaradka.
Warar Keydmedia Online

Cali fadhaa waxa uu hoosta ka xariiqay in mudooyinkan danbe ay aad u soo badanayeen dhibaatooyinka shacabka masaakiinta ah ay kala kulmayaan dagaalada, waxaana uu carrabka ku adkeeyay in muhiim ay tahay bad baadinta shacabka Soomaaliyeed.

Mr fadhaa waxaa isha hoos ugu eegay dhibaatada muuqata ee gaareysa shacabka Soomaaliyeed, isagoona xusay in Hey’adda Elman ee xuquuqada aadanaha ay si weyn uga walaacsantahay xaalada barakacayaasha Soomaaliyeed.

Inkastoo kani aanu aheyn baaqii ugu horeeyay ee ka soo baxa hey’adaha xuquuqada aadanaha ee Elman  hadana ma jirin haba yaraatee cid isu taagtay baaqyada ks oo yeeraya caruurta dhiban eek u nool magaalada.

 

WWW.keydmedia.net

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.