Ergay ka socda Finland oo kulamo ka wada Muqdisho

Suldaan, ayaa sheegay in magacaabistiisa ay ku soo beegantay xilli adadg, maadaama gobolka ay ka jiraan dhibaatooyin badan oo ay ka mid yihiin colaado muddo soo jiray. “Waxaana gudan doonaa waajibaadkayga”. Ayuu yiri, isagoo la hadlayay Anadolu.

Warar Keydmedia Online
Ergay ka socda Finland oo kulamo ka wada Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya - Xildhibaan Suldaan Siciid Axmed oo ah Soomaaligii ugu horeeyay oo ka mid noqda Baarlamaanka dalka Finland, ahna ergayga gaarka ah ee dalkaas u qaabilsan nabaddeynta Geeska Afrika, ayaa kulamo ka wada Muqdisho.

Xildhibaan Suldaan oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, ayaa shalay kulan la qaatay Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, kaasoo uu kala hadlay doorka Finland ee ku aaddan dib u heshiisiinta iyo nabadda.

Sidoo kale wuxuu kulan la qaatay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS Sheekh Aadan Maxamed Nuur [Madoobe], kaasoo looga hadlay dadaallada Finland ee ku aaddan horumarinta  iyo iskaashiga Baarlamaannada labada Dowladood.

Maanta ayuu mar kale la kulmay, Ra’iisul Wasaare ku xigeynka hadda shaqada ka sii tagaya Mahdi Maxamed Guuleed, kaasoo sheegay in ay ka wada hadleen kaalinta Dowladda Finland ee ku aaddan Arrimaha Dhab-u-heshiisiinta iyo nabadda Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Finland Pekka Haavisto, ayaa dhaqaan xusay in caqabadaha soo food-saaray gobolkaan aadka u jilacsaan ee geeska Afrika ay ugu horreeyaan xasillooni-darrda siyaasadeed iyo duruufaha ka dhashaay Is-baddelka Cilimada.

Suldaan, ayaa sheegay in magacaabistiisa ay ku soo beegantay xilli adadg, maadaama gobolka ay ka jiraan dhibaatooyin badan oo ay ka mid yihiin colaado muddo soo jiray. “Waxaana gudan doonaa waajibaadkayga”. Ayuu yiri, isagoo la hadlayay Anadolu.

Suldaan Siciid wuxuu muddo afar sano ah ahaa xildhibaan golaha degaanka magaalada caasimadda u ah dalkaas ee Helsinki, ka hor inta uusan ku biirin Baarlamaanka Finland bishii June ee sanadkii hore, wuxuuna dalkaasi galay isaga oo 15 sano jir ah.

Suldaan, wuxuu xubin ka yahay Xisbiga Isbahaysiga Bidix, wuxuuna Sanadkii 2016-kii noqday qofkii ugu horreeyay ee ajnabi ah ee xil ka qabta xisbigaas isagoo xilligaas noqday Guddoomiye ku-xigeenka xisbiga. Wuxuu u sii gudbi doonaan dalal kale oo dhaca gobolka.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.