Ergeyga Qatar oo ka hadlay sababta uu Muqdisho u joogo

Ergeyga Gaarka ah ee Wasiirka Arimaha Dibada Qatar u qaabilsan La-dagaalanka Argagixisada iyo Dhex-dhexaadinta Khilaafaadka Dr Mutlaq bin Majed Al Qahtani ayaa ku guuleystay abaalmarinta Dhex-dhexaadiyaha ugu wanaagsan 2020, isagoo ku muteystay jaa'izadda dhex-dhexaadinta Taliban iyo Mareykanka.

Warar Keydmedia Online
Ergeyga Qatar oo ka hadlay sababta uu Muqdisho u joogo

MUQDISHO, Soomaaliya - Ergeyga Gaarka ah ee Wasiirka Arimaha Dibada Qatar u qaabilsan La-dagaalanka Argagixisada iyo Dhex-dhexaadinta Khilaafaadka Dr Mutlaq bin Majed Al Qahtani ayaa markii ugu horeysay ka hadlay ujeedka socdaalkiisa Soomaaliya.

Wareysi uu siiyay Al Jazeera ayuu ku sheegay in sababta uu joogo Muqdisho tan iyo Santidii ay tahay sidii uu u dhex-dhexaadin lahaa Madaxda Soomaalida ee isku khilaafsan arrimaha siyaasadda iyo doorashooyinka.

"Waxaan Muqdisho u joogaa inaan isu soo dhaweeyay Wallaaha Soomaaliyeed, oo heshiis looga gaari lahaa arrimaha ay isku hayaan, si loo sii dalka horey loogu soo wado, oo xukunka dimuqraadiyadda dalkan loo xoojin lahaa," ayuu yiri Dr Mutlaq bin Majed Al Qahtani.

Wuxuu xusay Ergeyga Gaarka ee Qatar Al Qahtani inay jirto rajo wanaagsan oo ku aadan xal in laga gaaro is-mariwaagga ka taagan Soomaaliya kadib markii uu la kulmay inta badan dhinacyada iska soo horjeeda, sida Musharixiinta Mucaaradka, dowladda iyo Maamul Goboleedyada marka laga reebo Jubbaland iyo Puntland.

Dadka uu Ergayga la kulmay waxaa kamid ah Fahad Yaasiin iyo Farmaajo, inkastoo kulankooda la shaacin, waxaana lagu wadaa in dowladda, Mucaaradka iyo Maamul Goboleedyada ay shir isagu yimaadaan 20-ka bishan, kaasoo heshiis la filayo in lagu gaaro.

Qatar ayaa afartii sano ee Farmaajo saameyn siyaasadeed ku lahayd Soomaaliya, waxaana hadda ay ka fekeraysaa Musharixii ay taageeri lahayd doorashadda soo socota, waxaana socdaalka Al Qahtani la sheegay inuu la xiriiro xulushadda Musharixa ugu fursadda fiican, oo ay maal-gelin lahaayeen.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.