FAAHFAAHIN: Afhayeenka Booliska oo Qarax ka badbaadey

Haweenay goobta mareysay ayaa sidoo kale la sheegay inuu dhaawac kasoo gaarey qaraxa Muqdisho.

Warar Keydmedia Online
FAAHFAAHIN: Afhayeenka Booliska oo Qarax ka badbaadey

MUQDISHO, Soomaaliya - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax Caawo abaare 8:55 pm ka dhacay Muqdisho, kaasoo jugtiisa laga maqlay qeybo badan oo kamid ah magaaladda.

Qaraxa oo ahaa miino lagu aasay jidka 21-ka October dhinaciisa ayaa waxaa lala eegtay gaari uu leeyahay Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya Sadiiq Aadan Cali Doodishe, oo xiligaas la socon.

Qeyb kamid ah gaariga oo ah nooca aan xabadu-karin ayaa burbur kasoo gaarey qaraxa, kaasoo la sheegay inuu hal qof ku dhintay, qaar kalena oo shacab ah ay ku dhaawacmeen.

Wadada 21-ka October oo Waaberi ku taalla waxaa horey uga dhacay qaraxyo noocan ah, oo xili habeen ah lagu eegtay Saraakiil dowladda Soomaaliya katirsan, oo uu kamid yahay gudoomiyaha degmada Hodon, oo ku dhaawacmay.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.