Faahfaahin; Qaraxa Huteel Xayaat (12:35AM)

Ilaa hadda si rasmi ah looma oga inta uu la egyahay khasaaraha ka dhashay weerarka, maadaama uusan wali soo gabagaboobin howl-galka ay ciidanku wadaan, raggii duullaanka soo qaadayna ay wali ka dhex dagaallamayaan gudaha Huteelka.

Warar Keydmedia Online
Faahfaahin; Qaraxa Huteel Xayaat (12:35AM)

MUQDISHO, Soomaaliya – Ku dhawaad lix saacadood ayay naftood-halligayaal ka tirsan Kooxda Al-Shabaab oo aan tiradooda la xaqiijin ka dhex dagaallamayaan huteelka Xayaat oo ku yaalla agagaarka isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho, halkaas oo caawa fiidkii lagu qaaday weerar ku billowday qaraxyo is-miidaamin ah oo is xigxigay.

Ciidan ka tirsan Booliska Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Haramcad ayaa gudaha huteelka kula dagaallamaya ragga weerarka soo qaaday, waxayna ciidamadu ku guuleysteen in ay soo badbaadiyaan dad masuuliyiin iyo shacab isugu jira oo in muddo ah ku go’doonsanaa goobta, sida ay muujinayaan muuqaallo baraha bulshada lagu baahiyay.

Khasaare xooggan oo dhimasho iyo dhaawac leh ayaa jira sida la warinayo, Xilligaan oo saacaddu kor u dhaaftay 12:00AM, dadka Caasimadda ku dhqan ayaa dhooban Isbitaallada Muqdisho iyaga oo raadinaya dad ehelkooda ah oo qaraxyada caawa ku wex-yeelloobay, gaar ahaa isbitaallada waaweyn sida Digfeer, Madiino iyo Aadan Cadde.

Taliyaha Nabad-sugidda Gobolka Banaadir, Muxidiin Maxamed Jimcaale (Warbac) iyo Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir ayaa ka mid ah dadka ku dhaawacmay weerarka caawa Kooxda Al-Shabab ku qaadeen Huteelka Xayaat ee magaalada Muqdisho, sida ay Keydmedia u xaqiijiyeen ilo loo qaateen ah.

Afhayeenka Booliska Soomaaliya Cabdifitaax Aadan Xasan wuxuu xaqiijiyay in weerarku ku billowday is miidaamin kadibna ay rag hubeysan gudaha u galeen huteelka oo ku yaalla goob amnigeeda aad loo ilaaliyo kuna dhow xarunta danbi baarista e CID-da, isla-markaana ay geesha ka xigaan huteellada caanka ah ee Saxafi iyo Afriik.

Ilaa hadda si rasmi ah looma oga inta uu la egyahay khasaaraha ka dhashay weerarka, maadaama uusan wali soo gabagaboobin howl-galka ay ciidanku wadaan, raggii duullaanka soo qaadayna ay wali ka dhex dagaallamayaan gudaha Huteelka.

Kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida ee Al-Shabaab ayaa durba sheegatay musuuliyadda weerarka, sida ay baahisay warbaahinta afkooda ku hadasha. Abaara 12:25AM, dadka Muqdisho ayaa maqlay dhawaqa jug aad u xooggan oo noqonaya qarixii 4-aad ee caawa.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.