Faahfaahin ka soo baxday muwaadin reer Zimbabwe ah oo galkacyo lagu dilay

Galkacyo(keydmedia) Waxaa ka soo baxaya warar is khilaafsan sababta ka danbeysay dil xalay fiidkii loogu geestay koonfurta Galkacyo nin u dhashay Dalka Zimbabwe oo la shaqeynayay shirkad kaluumeysi.
Warar Keydmedia Online

Ninkan oo la shaqeynayay shirkad lagu magacaabo Iidaan  ayaa xarunta shirkadaasi ee koonfurta Galkacyo waxaa ugu galay kooxa hubeysan oo halkaasi ku toogtay, iyagoona intaa kadib goobta ka baxsaday.

Warar is soo taraya ayaa sheegaya in dilka ninkaasi uu ka danbeeyay nin hore uga tirsanaa shaqaalaha shirkada oo laga joojiyay shaqadii.

Maamulka Galmudug ee  ka taliya koonfurta Galkacyo ayaa sheegay in ninka la toogtay in aanu u diiwaan gashaneen maamulka, wallow la soo xirxiray dad la tuhmayo in falkaasi ay ka danbeeyeen.

 www.keydmedia.net

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.