Faahfaahin laga helay dagaal ku dhexmaray Shabaab iyo xoola dhaqato degmada Balcad

Balcad(keydmedia) Waxaa ka soo baxaya warar kale duwan dagaal shalay ku dhex maray kooxda Shabaab iyo dad xoola dhaqata ah oo dagan deegaanka xawaadley oo hoos taga degmada Balcad ee gobalka Sh.dhexe.
Warar Keydmedia Online

Dadka deegaanka ayaa ku waramay in sababta ka danbeysay dagaalka ay aheyd shabaabka oo isku dayay in ay marin habaabiyaan xalinta colaad u dhaxeysa beela halkaasi wada daga taasoo sababtay in mid ka mid ah beelihii ay kala hortagto Shabaabka dagaal dhiig badan uu ku daatay.

Dadgaalka ayaa waxaa ku geeriyooday ku dhawaad 15 ruux oo u badan dhinacyadii dagaalmay, waxaana wararku ay xaqiijinayaan in 8 ka mid ah dadka dhintay in ay ahaayeen Shabaabka.

Shabaabka ayaa mudooyinkaba la kulmayay dhibaatooyin kale duwan taasoo lagu macneeyay khilaafaadka dhexdooda ah.

www.keydmedia.net

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.