KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
U yeerista ayaa timid maalmo kadib markii Bayle uu sheegay in qasnadda dowladda aan wax lacag ah ku jirin, islamarkaana khatar ku jiro Mushahaarka Ciidamada.
MUQDISHO, Soomaaliya - Xafiiska Xeer-ilaalinta Soomaaliya ayaa doonaya in uu su’aalo weydiiyo Wasiirka Maaliyadda ee xilka ka degaya C/raxmaan Ducaalle Bayle.
Waxaa wax laga waydiin doonaa dambiyada maaliyadeed iyo musuq-maasuqa ka dhacay xafiiskiisa, waxaana Bayle lagu amray inuu tago Xeer-ilaalinta horteeda 27ka bishan June.
Baarayaal ka socda waaxda maaliyadda, dhaqaalaha iyo dembiyadda internet-ka ee xafiiska xeer ilaaliyaha guud ayaa u yeeray wasiirka maaliyadda si su’aalo loo weydiiyo Isniinta.
Ma cadda in baaritaanka uu si toos ah ula xiriirinayo Bayle ama madaxda kale ee Wasaaradda ama dowladda uu waqtiga ka dhamaadey. Bayle ayaan weli ka jawaabin wararkaas.
U yeerista ayaa timid maalmo kadib markii Bayle uu sheegay in qasnadda dowladda aan wax lacag ah ku jirin, islamarkaana khatar ku jiro Mushahaarka Ciidamada.
Lacagta Miisaaniyadda sanadkan 2022 ayaa gaareysa $918.7 milyan, taasoo loo gudbiyay Baarlamaanka, si uu u meel-mariyo. Iyadoo korar dhaqaale jiro ayuu Bayle yiri lacag ma taallo. Muddo dheer ayeey fartu ku mudneeyd Wasiir Bayle oo la hadal hayey inuu Xariif ku yahay wax is dabamarinta.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.