Fahfaahin ku saabsan weerarka Wasaaradda Waxbarashadda

Weerarka ayaa ahaa mid culus oo geystay khasaaro badan, oo dhimasho iyo dhaawac isagu jira, waxaana sheegatay Kooxda Al-Shabaab.

Warar Keydmedia Online
Fahfaahin ku saabsan weerarka Wasaaradda Waxbarashadda

MUQDISHO, Soomaaliya - Caasimadda Soomaaliya waxaa gilgiley Maanta duhurkii kadib, abaare 2:00 P.M. labo qarax oo culus, oo jugtooda laga maqlay meelo fog, kuwaasoo ka dhacay xarunta Wasaaradda Hidaha Sare iyo Tacliinta, oo ku taalla nawaaxiga Zoobe.

Waxay geysteen qaraxyada khasaarooyin badan, dhimasho iyo dhaawac isagu jira, waxaana dadkii ku dhintay kamid ah Wariye Maxamed Ciise [Koonaa] iyo taliyihii booliska degmada Hodon oo lagu magacaabi jiray Xuseen Cad-Ceed.

Dad kaloo shacab ah ayaa ku jira, waxaana wali la ogeyn inta uu la egyahay khasaaraha weerarka, oo ahaa mid lagu soo beegay xili arday badan ay Wasaaradda ka doonteen Shahaadooyinka.

Bishii April 2015 ayay ahayd markii ugu dambeysay oo weerar lagu qaadey Wasaaradda oo saaran jidka ka yimaada Zoobe, ee aada dhanka KM4, waxaana agteeda tahay meel mashquul ah oo goobo ganacsi ku yaallaan.

Kooxda Al-Shabaab ayaa hadba marka culey kasoo koro gobollada, weeraro noocan ah ka fulisa Muqdisho, si ay dowladda ugu mashquuliso, islamarkaana uga niyad-jebiso howlgallada militeri.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.