Fah Faahin: Lawareegida Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan {Dhageyso}

Jalalaqsi (KON) – Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa Goor dhaw la wareegay Degmada Jalalqsi ee Gobolka Hiiraan Bartamaha Soomaaliya.
Warar Keydmedia Online
Fah Faahin: Lawareegida Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan {Dhageyso}

Ciidamada ayaa Degmada Nabadgalyo kula Wareegay, waxaana Magaalada ka Barakacay Dadkii Shacabka ahaa sida ay Idaacada Kulmiye u sheegeen qaar kamid ah Dadka Deegaanka.

Wariyaha Idaacada Kulmiye ee Gobolka Shabellaha dhexe C/kariin Cumar Macalin ayaa soo sheegaya in Xaalada Degmada ay dagan tahay islamarkaana Ciidamada ay fariisomo ka sameysteen Magaalada.

Al-shabaab ayaa la sheegay in ay Magaalada iskaga baxeen ka dib markii Ciidamadda Huwantaa ay Magaalada ka soo galeen ilaa Dhowr jiho.

Dhanka kale Ciidamadda Milatariga Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab ayaa maanta ku dagaalamay Deegaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan.

Dagaalka ayaa la sheegay in Khasaaro Xoogan uu geeystay inkastoo aan la sheegin Tirada Dadka Geeriyooday.

Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan waxa ay 200Km dhanka Waqooyi uga beegan tahay Muqdisho, waana Degmada kaliya ee Al-shabaab ay Gobolka Hiiraan ay ka joogaan.

Keydmedia Online // Radio Kulmiye

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.