Fahad Yaasiin: NISA waa meesha laga hago Qorshaha Farmaajo

Saddexdii Sano ee Fahad hogaanka NISA hayay waxay hay'adda noqotay mid lagu weeraro Mucaaradka, Warbaahinta iyo Madaxda dowlad Goboleedyada ka fekerka duwan Farmaajo.

Warar Keydmedia Online
Fahad Yaasiin: NISA waa meesha laga hago Qorshaha Farmaajo

MUQDISHO, Soomaaliya - Fahad Yaasiin ayaa qormo dheer uu ka sameeyay xiligiisii hogaanka hay'adda NISA, ayaa ku cadeeyay inuu ahaa hagaha qorshiyaasha MD hore Farmaajo.

Musharax C/raxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in qoraalka Fahad isku xayeesiiyay uu marag-fur u yahay xantii shacabka ee ahayd in talada dalka ay isaga iyo Farmaajo ku koobnayd.

CC Warsame ayaa yiri: Maadaama uu Taliyihii hore caddeeyey in qorshaha NISA lagu hagayey uu Madaxweyne hore Farmaajo lahaa waxaa cad  in uu isagu  lahaa amarkii iyo qorshihii
1- Itoobiya  loogu dhiibay Qalbidhagax.
2- Weerarkii ay NISA ku qaaday xarunta Xisbiga Wadajir.
3- Weerarradii lagu qaaday Hoteelkii ay labada Madaxweyne iyo Gudoomiyihii hore ee Baarlamaan deganaayeen.
4- Weerarkii Mukhtaar Rooble lagu soo afduubay
5- Shacabkii iyo madax kale oo iyagoo dibadbaxaya la weeraray.
6- Awooddii ciidan ee guddoomiyihii Baarlamaanka xilka looga tuuray, kii kalana lagu  madiidiyey. 
7- Wiilashii Soomaaliyeed ee lagu soo xero geliyey in Qatar loo qaadayo, ka dibna  dagaalka Tigreega lagu guray 
8-Dilkii Ikraan Tahliil iyo is hortaagii caddaalad u raadinteeda.
9-Isku daygii Raysalwasaare Rooble lagu afganbi rabay. 
10- Isku daygii Madaxweynaha Jubbaland lagu soo qafaalan rabay.

Fahad Yaasiin wuxu qoraalkiisa ku koobey sida uu NISA ka dhigay mudadii uu xukumayay, iyo inuu ku xalin jiray welwelka iyo Cabsida Farmaajo ee dhanka amniga, xukunka iyo siyaasadda.

Waxaa kaloo xusid mudan in NISA mudadii xukunka Fahad ay soo galeen Shabaabki ugu badnaa, sidoo kalena lagu dhex-dilay hay'adda Saraakiil badan, oo Ikraan Tahliil ugu dambeysay.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.