Fahad Yaasiin oo dacwo ka gudbiyay Guddiga FEIT!

Dadka Soomaaliyeed ayay layaab ku noqotay in ninkii shanti sano ee la soo dhaafay galay danbiyadii ugu badnaa, waraaqaha sharciguna u ahaayeen istaraashooyin lagu tirtirto, uu maanta sheego inuu sharciga xaq ka maqan ku raadsanayo.

Warar Keydmedia Online
Fahad Yaasiin oo dacwo ka gudbiyay Guddiga FEIT!

MUQDISHO, Soomaaliya -  Sida ku cad waraaqo lagu faafiyay baraha bulshada, Taliyihii hore ee Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, eedeysane Fahad Yaasiin, ayaa Maxkamadda Sare dalka u gudbiyay dacwo ka dhan ah, Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federal, kadib markii eedeysanahaan laga reebay liiska Xildhibaannada dooran.

Waraaq ka soo baxday xaafiiska Kaaliyaha Sare ee Maxkamada Sare, Cabdirisaaq Cali Cismaan, oo soo gaartay warqabadka Keydmedia Online, ayaa lagu sheegay in Fahad Yaasiin iyo qareenkiisa Sakariye Ismaaciil Nuur, soo gudbiyeen, dacwo ku qotonta sababta FEIT, u hakisay  kursiga HOP086 oo Fahad Yaasiin, ku soo boobay magaalada Baladwene.

Waraaqdaan oo sumaddeedu tahay MS/XKS/044/2022, ayaa Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Dowladda lagu faray in ay kusoo jawaab celiyaan muddo labo maalin gudaheed ah, oo ka billaabaneysa maanta 10/04/2022, kuna eeg 12/04/2022, oo ku beegan maalin talaado ah, waxaana lala wadaagay arjiga cabashada, ee qareenka Fahad Yaasiin ka gudbiyay FEIT.

Dhawaan Guddiga FEIT, ayaa sheegay in sababta HOP086 loo hakiyay ay tahay, in Guddigu hore u  soo saaray go'aan ku soo baxay warqada sumadeedu tahay FEIT/2017/2022, kaas oo lagu hakinayo qabashada doorashada kursiga, kadib markii ay cabasho soo gudbiyen oday dhaqameedyada jufada kursiga iska leh iyo mid ka mid ah musharrixiinta.

Guddiga Hirgelinta doorashooyinka heer Federal, waxaa uu go'aamiyey in dib loogu noqdo doorashada kursigaan, si loo saxo habraacii qaldamay, iyadoo la tixraacayo habraacii doorashadii 2016-kii ayuu Guddigu ballan qaaday inuu dib ka soo sheegi doonaa qabashada doorashada kuraasigaan iyo Saddex kale, goorta iyo goobta lagu qaban doono.

Dadka Soomaaliyeed ayay layaab ku noqotay in ninkii shanti sano ee la soo dhaafay galay danbiyadii ugu badnaa, waraaqaha sharciguna u ahaayeen istaraashooyin lagu tirtirto, uu maanta sheego inuu sharciga xaq ka maqan ku raadsanayo, waana tallaabo muujineysa in ay meesha ka baxday awooddii uu sheeganayay in ka badan 60-kii bilood.

Dacwad ka dhan ah Fahad Yaasiin, ayaa ka furan Xeer-ilaalinta Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, waxaana loo heystaa kiiska Sarkaalad Ikraan Tahliil Faarax, oo ku maqan gacantiisa. “Fahad hadduu u hoggaansamayo sharciga ha hor tago Maxkamadda CQS, hana iska difaaco eedaha qareennada u doodaya Ikraan Tahliil”, ayuu yiri Garyaqaan Xasan Cali.

Sidoo kale, waa inuu aqbalo in Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, qaaddo dacwadii uu Sep, 2018, ka gudbiyay, Taliye ku xigeenkii hore ee Nabad-sugida Cabdalla Cabdalla Maxamed, kaasoo Fahad ku eedeeyay inuu la shaqeeyo Al-Shabaab, taasoo uu qabtay Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidamada qalabka sida, 2-dii September 2018.

Sida la rumeysan yahay Guddoonka Maxkamada Sare iyo Xafiiska Garyaqaanka Guud-ba wax ay ku daaban yihiin Farmaajo, u jeedka waraaqahaan loo daabacayna, waa in Maxakamdda Sare, sheegto in ay fasaxday kursiga, taasoo dhalin karta, qalalaaso hor leh, iyo in Fahad isku dayo inuu xoog ku galo Baarlamaanka, taas oo isku dac keeni karta.

KEYDMEIDA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.