Fahad Yaasiin oo qaadey tallaabo uu ku aamusinayo qoyska Kiiska Ikraan

Gabadhan ayaa ahayd madaxa amaanka Internet-ka NISA, waxayna horey usoo noqotay agaasimaha xafiiska UAN Eng Yariisow, duqii Muqdisho ee Qaraxa lagu dilay.

Warar Keydmedia Online
Fahad Yaasiin oo qaadey tallaabo uu ku aamusinayo qoyska Kiiska Ikraan

MUQDISHO, Soomaaliya - Keydmedia Online ayaa heshay macluumaad hoose oo sheegaya inuu Fahad Yaasiin ka dambeeyo in gudi baaritaan loo magacaabo kiiska gabadha maqan Ikraan Tahliil Faarax.

Saddex Sarkaal, oo mid kamid ah katirsan Xafiiska Fahad Yaasiin iyo labo ka kala socda Booliska iyo Xafiiska Xeer ilaaliyaha Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida ayaa loo xil saarey inay soo baaraan maqnaashaha Ikraan, oo lugaha la galay hogaanka NISA, oo ay la shaqeynaysa tan iyo 2017.

Horey looma arag kiis inta la baarey oo tallaabo laga qaadey cidii ka dambeysay falalkii lagu dilay Madax hore oo uu ku jiro Eng Yariisow 2019, oo qaraxii lagu dilay ahaa mid madax sare ay ku lug laahyeen, kuwaasoo u fududeeyay Al-Shabaab inay qaraxa geliso gudaha xarunta maamulka Gobolka Banaadir.

Ikraan oo 23 jir ah, ayaa kiiskeeda markii uu soo shaac-baxay culeys weyn saarey Fahad Yaasiin, oo ah ninka eeda oo dhan dusha ka saaran tahay, maadaama isaga ugu sareeyo hay'addii ay la shaqeynaysay NISA, oo u qaabilsanayd amaanka Internet-ka [Cybersecurity].

Fahad ayaa uga dan leh magacaabista gudigan inuu isaga leexiyo tooshka ku ifiya, wuxuuna damacsan yahay inuu ku qanciyo Ikraan reerkeeda oo mudooyinkii dambe dalabanayay in Cadaalad ay helaan, oo loo soo celiyo gabadhooda, hadii ay nooshahay.

Ikraan waxay dhawaan kasoo laabatay Ingiriiska oo aqoon korarsi dhanka sirdoonka u aaday kadib dilkii Eng Yariisow, waxaana la sheegay in soo noqoshadeeda uu ahaa shirqool Fahad iyo Kulane Jiis kasoo shaqeeyeen, iyagoo u balan-qaadey xil sare iyo shaqo cusub.

Sababta ugu weyn ee loo afduubay Ikraan Tahliil waxaa lagu sheegay inay tahay in Gabadhan ay heyso labo xog oo xasaasi ah, kuwaasoo kala ah diiwaangelinta dhalinyaradii Tababarka loogu diray Eritrea ee la la'yahay iyo qaraxii lagu dilay Eng Yariisow, maadaama iyadu ay ahayd qof gacan-yarihiisa ahaa.

Illaa hadda cid og ma jirto inay nooshahay Ikraan ama la dilay, laakiin Keydmedia Online ayaa dhawaan daabici doonto Warbixinta baaritaan ah oo ku sameysay Kiiska Gabadhan la la'yahay tan iyo 26-kii June 2021.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.