Fahad Yaasiin oo qeybiyay bostooladihii NISA    

Labo cisho ka hor, xarumaha Habar Khadiijo oo ah taliska ugu weyn hay’adda iyo Godka Jilicow, ayaa laga raray, hub iyo rasaas xooggan, kuwaas oo la geeyay guro gaar ah, waxaana keydka hubka ee NISA, faarujiyay, Kullane Jiis iyo Cabdiraxmaan Dheere.

Warar Keydmedia Online
Fahad Yaasiin oo qeybiyay bostooladihii NISA    

MUQDISHO, Soomaaliya – Ilo loo qaateen ah, ayaa warinaya xogo la xariira in Agaasimihii hore ee NISA, eedeysane, Fahad Yaasiin oo in muddo ah saameyn xooggan ku lahaa ha’adda Nabad-sugidda uu bartamihii todobaadkii hore amray in la qeybiyo ku dhawaad 1000 bastooladood oo taallay xarunta Habar Khadiijo oo ah taliska ugu sarreeya hay’adda.

Sida ay KEYDMEDIA ONLINE, u sheegeen, ilo sirdoon, Fahad ayaa ka hor doorashadii Madaxweynaha ee dhacday 15 May 2022, kulan la qaatay, saraakiil hoosaadyo, ay ku jiraan taliyayaasha Ciidanka Duufaan, Waran iyo Gaashaan, ka hor inta uusan kulamo is xig-xiga la yeelan, agaasimaha KMG ah ee NISA, Yaasiin Farey iyo saraakiil kale, billowgii bishaan.

Sida xoguhu caddeynayaan, kulamadaas, waxaa lagu go’aamiyay in dad gaar ah oo uu qoray xaafiiska Fahad Yaasiin, loo qeybiyo, bastoolado, lana siiyo aqoosi hay’adda [ID], si ay magaalada xor ugu maraan, shaqsiyaadka la hubeeyay, ayaa la runeysan yahay in ay u badan yihiin rag hore u soo maray Xero-sarandi iyo Kooxda Al-Shabaab.

Ilaha nala wadaagay xogtaan, ayaa sheegaya in u jeedka Fahad Yaasiin u qeybiyay bastooladaha uu yahay, carqaladeyn amni iyo in afarta sano ee soo socota uu siyaasad ahaan wali sii noolaado, isagoo adeegsanaya dhaqmo sida Al-Shabaab oo kale ah, isla-markaana wali sii wado beegsiga shaqsiyaadka ay is hayaan.

Sidoo kale, labo cisho ka hor, xarumaha Habar Khadiijo oo ah taliska ugu weyn hay’adda iyo Godka Jilicow, ayaa laga raray, hub iyo rasaas xooggan, kuwaas oo la geeyay guro gaar ah, waxaana keydka hubka ee NISA, faarujiyay, Kullane Jiis iyo Cabdiraxmaan Dheere, kuwaas oo hubka qaar geeyay Villa Kaah, oo Farmaajo degayo.    

Dowladda cusub, ayaa khatarta ku baraarugsan, sida ay KON ogaatay, waxaana la filayaa in wixii Isniinya ka danbeeya, hay’adda NISA, loo yeelo hoggaan rasmi ah, dib u habeyn buuxdana lagu sameeyo, hannaanka ay u shaqeyso, taliyayaasha ciidanka hoggaamiya iyo inta badan howl-wadeennada u dhawaa taliska banneynaya xilka.

Shantii sano ee la soo dhaafay NISA, waxa ay u taagneyd, hay’ad siyaasadeed, oo lagu cabburiyo siyaasiyiinta Mucaaradka iyo shacabka aan la dhacsaneyn sida Kooxda Farmaajo, waddanka u maamulayeen, waxayna ubuc u ahayd khilaafyo siyaasadeed oo ku dhawaaday in ay gacan ka hadal iyo dagaal isku baddelaan.

KEYDMEDIA ONLINE      

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.