Fahad Yaasiin oo qirtay xog ay baahisay Keydmedia 2021

Fahad Yaasiin wuxuu qeyb korriimadiisa ka mid ah ku soo qaatay xerada qaxootiga Utanga, oo ku dhaw magaaladda Mombasa, halkaasoo ay is kala jaan-qaadeen Cabdishakuur Cali Mire, oo qudhiisu ku barbaaray nolosha xag-jirnimada.

Warar Keydmedia Online
Fahad Yaasiin oo qirtay xog ay baahisay Keydmedia 2021

MUQDISHO, Soomaaliya – Fahad Yaasiin, Agaasimihii hore ee Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, oo hadda dibad joog ka ah dalka, ayaa qeybta 1-aad ee wareysi dhowr xalqadood ah oo uu ka qaaday wariye Faarax Cabdulqaadir Geylan, ku xaqiijiyay jiritaanka xogo u qorsoonaa, hayeeshee, Keydmedia Online faafisay sanad ka hor.

Keydmedia Online, ayaa ahayd warbaahintii ugu horreysay ee si xog ogaalnimo ah wax uga qorta waayaha nololeed ee Fahad, waxaana baahinnay inuu dhasahay dabayaaqadii 1970-tameeyadii, hayeeshee, hooyadiis iyo aabihiis kala tageen billowgii 1980-tameeyadii, taasina sababtay inuu noqdo hooyo koris aan ababintii aabannimo helin.

Barnaamijka waa kuma Fahad Yaasiin?, oo KON, baahisay, 28 January 2021, waxaan ku sheegnay, in 1997-dii ciidamada Itoobiya dileen Cabdulqaadir Gardheere oo ahaa adeerkiisa qaba hooyadiis, taasoo sababtay inuu Fahad ku biiro Ururkii Al-Itixaad al-Islamiya, oo Xasan Daahir Aweys hogaamiye u ahaa xiligaas.

Fahad wareysigiisa wuxuu ku qirtay inuu qeyb ka ahaa ururkaas iyo in ay korisay hooyo Salaf ah, taasoo ka marqaati kaceysa inuu ku barbaaray nolol xag-jiren ah ilaa uu taageero buux u noqdo kooxihii Jahaad doonka ee 2000 kadib ka hana-qaaday Soomaaliya, taasoo keentay inuu muuqaal baahiyaha Al-Jazeera kala shaqeeyo buunbuuninta Al-Shabaab.

IFTIIMIN – Fahad hooyadiis waxa ay u dhalatay beesha Leelkase, markii ay kala tageen aabihiis oo ka soo jeeda beesha REER-OW-XASAN, waxa ay guursatay Cabdulqaadir Gardheere oo Mareexaan ah, taasoo sababtay in Fahad ku ababay nacaybka qabiilka Hawiye, maadaama uu la koray qoys la qaxay Kalitaliskii Siyaad Barre.

Adeerkiis wuxuu ka mid ahaa, dhaqdhaqaaqii Salafiyada ee xilligaas iyagoo hubeysan ku xoogeysanayay Soomaaliya, wuxuu xubin ka ahaa Ururkii Al-Itixaad al-Islamiya, halka hooyadiis ay isla-dariiqadaas qeyb ka ahayd, Fahad sida uu sheegay dariiqadaas ayuu ku koray, waana halka ay salka ku heyso xag-jirnimadiisa diimeed.

Sidoo kale, wuxuu qeyb korriimadiisa ka mid ah ku soo qaatay xerada qaxootiga Utanga, oo ku dhaw magaaladda Mombasa, halkaasoo ay is kala jaan-qaadeen Cabdishakuur Cali Mire, oo qudhiisu ku barbaaray nolosha xag-jirnimada. Fahad wuxuu ka baxay Kenya kadib qaraxyadii Safaaradaha Mareykanka ee Tanzania iyo Kenya 1998.

XOGTII KON – Xogta Keydmedia Online baahisay ee Fahad Yaasiin qirtay ma ahn kaliya intaas ee xitaa wuxuu hoosta ka xariiqay inuu socdaal ku tagay Yemen, halkaasna uu kula kulmay wadaaddo ay isku dariiqo yihiin Ururkii Al-Itixaad, waana xilliga uu go’aansaday inuu dallaal buuxa oo magaca diinta ku qaraabta noqdo.

Sidoo kale, XON, waxa ay baahisay in Fahad uu isticmaalo magacyo kala duwan oo xitaa baasaboorradiisa Soomaaliga iyo Kenya ay ku kala qoran yihiin macluumaad kala duwan oo noloshiisa ku saabsan, xogtaas sideeda ayuu u xaqiijiyay, wuxuuna ku sii daray inuu hore magacyo kale u soo adeegsaday, marka laga soo tago kuwa hadda lagu yaqaan.

DHEERAAD – Fahad xaaskiisu waxa ay ka dhalatay beesha Mareexaan, waxayana walaal la tahay Safiirka Dowladda Soomaaliya u jooga dalka Qatar, Cabdirisaaq Faarax Cali [Taano], kaasoo xilli ka mid ahaa qabqablayaashii gobollada Juboonyinka, gaar ahaan Kismaayo, wuxuuna Fahad ku aaminay inuu noqdo safiirka dalka isaga maalgaliya ee Qatar.

In Fahad Yaasiin yahay ciil-qabe ku koray cuqdadda qabiil gaar ah iyo xag-jir diimeed, oo ay ku ababiyeen qoyskiisa iyo shaqsiyaad uu la koray, waxaa marqaati u ah labo arrimood, oo tan koowaad tahay, sida uu ula dhaqmay dadka Muqdisho shantii sano ee awoodda lahaa iyo dhaqankiisa is-qarinta iyo kala adkaanshaha oo ah mid argagaxiso.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.