Fahad Yaasiin oo saaxadda siyaasadda ka saarey Muudey

Fahad Yaasiin ayaa la sheegay inuu rabo in isaga noqdo gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Gollaha Shacabka, waxaana uu ku fariisan doonaan kursigii Muudey.

Warar Keydmedia Online
Fahad Yaasiin oo saaxadda siyaasadda ka saarey Muudey

MUQDISHO, Soomaaliya - Fahad Yaasiin, qaswadaha Soomaaliya ayaa saaxadda siyaasadda ka tuurey Muudey, oo ahaa mudo dheer gudoomiye ku-xigeenka 1aad ee Gollaha Shacabka.

Kursigiisa HOP145 wuxuu ku fariisiyay nin siyaasadda ku cusub oo lagu magacaabo Maxamed Cabdalla Axmed, oo ka keenay dalka Australia, kaasoo uu u boobey doorashadda Baraawe.

C/weli Muudey ayaa 13-kii bishan laga celiyay Garoonka diyaaradaha Muqdisho, isagoo loo diiday inuu u duulo Baraawe, taasoo ahayd qorsho Fahad u degay oo tartanka looga reebayay.

Muudey oo afartii sano ee lasoo dhaafay si aad ah u difaacayay Farmaajo ayaa hadda isla Maamulkii uu taageerayay lugta ka jaray, waxaana lagu daray qashinka markii lagu daneystay.

Fahad Yaasiin, taliyihii hore ee NISA, ayaa la sheegay inuu rabo in isaga noqdo gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Gollaha Shacabka, waxaana uu ku fariisan doonaan kursigii Muudey.

Kursiga Fahad wuxuu yaallaa Beledweyne, kaasoo sumadiisu tahay HOP86, waxaana lagu wadaa in Todobaadka soo socdo la doorto, isagoo noqonaya Xildhibaan kamida Aqalka Hoose.

C/weli Muudey ayaa ku dhacay godkii uu Jawaari u qodey, waxaana la marsiiyay jidkii isaga dadka marsiin jiray. Wuxuu marar badan sharciga iyo xeerarka dalka u jebiyay Farmaajo.

Todobo kursi ayaa Maanta lagu doortay Baraawe, oo ka socoto doorasho u afduuban Fahad iyo Farmaajo, islamarkaana uu fulinayo boobka Madaxweynaha KG C/casiis Lafta-Gareen.

Musharixii Fahad ka reebayo doorashadda wuxuu ku celiyaa Garoonka diyaaradaha Muqdisho ama waxaa loo diidaa warqadda dembi la'aanta ee CID-da, taasoo ah waxaan horey loo arag.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.